GAAS oo shaaca ka qaaday saameyn ka dhalan karta go’aankii golaha shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo wareysi cusub bixiyey ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan go’aankii muddo kordhinta ee xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya.

Gaas oo ra’iisul wasaare kasoo noday dalka ayaa marka hore shaaca ka qaaday inay sharci darro tahay muddo kordhinta loo sameeyey hay’adaha dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha iyo sidoo kale xildhibaanada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in go’aankan uu saameynayo dalka oo dhan iyo amniga Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa sharci darro waa go’aan qaldan oo waqti qaldan kusoo aaday waayo baarlamaanka, isaga ayaaba waqtigiisa dhamaaday in uu soo saaro ma aheyn go’aan dalka saameynaya oo amniga saameynaya, wax la aqbali karana maahan,” siyaasiga Cabdiweli Gaas.

Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in xildhibaanada Soomaaliya looga baahnaa inay qaataan doorkooda saxda ah, isagoo ku eedeeyey inay la safteen hal dhinac.

Cabdiweli Gaas ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in muddada labada sano ah ee la kororsaday aysan ku qabsoomi karin doorasho qof  iyo cod ah, iyadoo dagaalyahanada Al-Shabaab ay joogaan magaalooyinka Balcad iyo Afgooye ee gobollada Shabeelooyinka.

Si kastaba Soomaaliya ayaa gashay xaalad cusub, kadib go’aankii muddo kordhinta baarlamaanka oo ay si weyn uga biyo diidan yihiin mucaaradka iyo beesha caalamka.