Xog: Arrinta uu diiday wasiir Oomaar ee keentay in loo wareejiyo wasaarad kale

Muqdisho (Caasimadda Online) –Ra’iisul Wasaaraha xilka sii-haya ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Axaddii xilalka u kala badalay laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya kadib dalab ka yimid Madaxweynaha muddo xileedkisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uu tixgeliyay.

Duraan Axmed Faarax oo ahaa Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa loo wareejiyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, halka Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo ahaa Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada loo bedelay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Oomaar ayaa qoraal uu habeenkii Isniinta soo dhigay bartiisa facebook ku diiday xilka cusub ee loo magacaabay.

Haddaba Caasimada Online oo dabagal ku sameysay sababta ka dambeysay xil wareejintii lagu sameeyey Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa ogaatay inay arrintaas timid kadib markii isaga iyo Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ay isku fahmi waayeen dalab lasoo hor dhigay.

Farmaajo ayaa amray Wasiirkii hore ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada Oomaar inuu qoro warqad siyaasiyiinta mucaaradka looga mamnuucayo inay ka dhoofaan kana soo dagaan Garoonka Aadan Cadde International, warqadaasna uu u diro Maareeyaha Garoonka.

Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online, Wasiir Oomaar ayaa dalabka Farmaajo iska diiday isagoo taas sabab u dhigay in dalka uu ku jiro xaalad kala guur ah, islamarkaana ay beesha Caalamka isha ku heyso xaaladaha dalka, sidoo kalana uusan u bareeri karin in caburin noocaan ah dalka la geliyo.

Khikaafkaas oo weli taagan ayaa Wasiir Oomaar ugu dhoofay dalka Sacuudi Carabiya arrimo dhanka qoyskiisa ah, waxaana Axaddii soo baxday in xilkii laga wareejiyey, loona beddelay xil kale.

Wasiirka cusub ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa weli shaqadiisa cusub si rasmi ah u billaabin, waxaana laga cabsi qabaa inuu ku dhaqaaqo amaradii uu diday Oomaar, marka uu xilka si rasmi ah ula wareego.

Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa xilka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada soo hayay muddo afar sano, wuxuuna xilkaas hayay illaa xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Farmaajo oo shalay baarlamanka uu siiyey muddo kordhin laba sano ah, ayaa laga cabsi qabaa inuu qaado talloobooyin cawaaqib xun reeba oo lala beegsanayo mucaaradka.