Xog: Xiisaddii u dhaxeysay ciidamada DF iyo Jeneraal Saadaq oo la qaboojiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisaddii xalay ka taagneyd qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee u dhaxeysay Jeneraal Saadaq Joon iyo ciidamo uu soo diray Farmaajo ayaa qabowday kadib dadaal uu sameeyey madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor, oo ay isku beel yihiin Saadaq.

Wararka ayaa sheegay in Qoor Qoor uu ku guuleystay baajinta dagaal ka dhici lahaa xaafadda Shiirkole ee degmada Hodan oo dhex-mari lahaa ciidamada Farmaajo iyo kuwa taliyihii hore ee ciidamada booliska ee gobolka Banaadir.

Ciidamada dowladda ayaa lagu warramayaa inay hadda dib uga laabteen xaafadda Shiirkole oo uu weli Jeneral Saadaq Joon ku sugan yahay.

Markii xalay ay soo baxday in dowladda ay qorsheysay weerar ka dhan ah Jeneral Saadaq, waxaa u gurmaday rag badan oo hubeysan oo ku beel ah, kadib dadaallo ay baraha bulshada ka sameeyeen xildhibaanada beesha Habar-gidir oo ku baaqay in la garab istaago.

Waxaa sidoo kale lagu warramayaa in dowladda ay dareentay in cawaaqib xun uu ka dhalan karo weerarka Saadaq Joon iyo in qoryo laga wada qaato magaalada, taasi oo horseeday inaysan weerarka ku deg degin.

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in Qoor Qoor uu ku qanciyey Jeneral Saadaq inuu dib ugu soo laabto gurigiisa oo ku yaalla agagaarka agagaarka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, oo uu markii hore deganaa. Si kastaba, Saadaq ayaa weli ku sugan Shiirkole, mana cadda goorta uu kasoo tegi doono inkasta oo uu aqbalay codsiga Qoor Qoor.

Ma cadda sababta uu Qoor Qoor Saadaq ugu qanciyey inuu kusoo laabto agagaarka garoonka Muqdisho, iyo danta arrintan ugu jirta dowladda, waxaana dadka qaar ay ku macneeyeen shirqool la rabo in marka uu halkaas tago lagu weeraro, maadaama uusan ku heleen difaac la mid ah kan uu ku haysto Shiirkole.

Ma cadda halka ay xaaladda ku dambeyn doonto iyo haddii Jeneral Saadaq uu ku laaban doono gurigiisa ku yaalla agagaarka garoonka Aadan Cadde.