Nin hooyadiis dhowaan ku dilay Baydhabo oo xun dil ah lagu riday maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Baydhaba ee gobolka Baay ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta xukun adag ku riday Nin lagu soo eedeyay markii hore inuu dilay Hooyadiis.

Maxkamada ayaa xukun dil ah ku ridey Mukhtaar Ibraahim Isxaaq oo dhawaan hooyadiis oo 70 jir ah ku diley magaalada Baydhabo, waxaana goobjoog ka ahaa xukunkaas oo maxkamadda ku sugnaa Eheladda Marxuumka.

Axmed Sheekh Nuur Zaki, Garsooraha Maxkamadda Gobolka Baay ayaa ku dhawaaqay xukunka, wuxuuna sheegay in Mukhtaar Isxaaq ay hore usoo eedeysay xeer ilaalinta maxkamadda gobolka Baay, kadibna ay ku cadaatay inuu falkaas geystay.

Sidoo kale waxa uu Garsooruhu sheegay in baaris dheer iyo qiraalka eedeysanaha oo Maxkamadda horteeda ka cadeeyay inuu dilay Hooyadiis Kheyrto Shariif Xasan, taasi oo loo cuskaday xukunka dilka toogasha ah.

Dhacdadaan oo ah mid ugub ah ayaa waxa si weyn looga hadal hayey magaalada Baydhabo, ayada oo fajac iyo amakaag ku noqotay bulshada gobolka in Mukhtaar Ibraahim Isxaaq uu si bareer ah u dilay Hooyadiis.