Maamulka G/BANAADIR oo war kasoo saaray xiisaddii ciidanka DF iyo Saadaq Joon

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Mudane Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo u warramay warbaahinta ayaa ka hadlay xiisaddii u dhexeysay ciidamada dowladda iyo kuwa daacad u ah taliyihii hore ee Booliska gobolka Banaadir, Jeneral Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon), kuwaas oo xalay dhaq-dhaqaaqyo ka sameeyey qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Cali yare ayaa sheegay in xiisadaasi ay ku lug lahaayeen dad uu ku sifeeyay inay colaadda ku naaxaan, isla-markaana ay ku baaqayeen in dhibaato laga huriyo caasimadda.

Guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir ayaa sidoo kale tilmaamay in laga hortegay xiisadaasi, kadib dadaallo uu sameeyey madaxweynaha maamulka Glamudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ku baxay in la qaboojiyo xiisadaasi.

“Waxaan halkaan ugu mahad-celinayaa madaxweynaha Galmudug… oo u caqli celiyay dhalinyaradii la doonayay in dhiigooda laga dhex abuuro fursad siyaadadeed, haatana si nabdoon oo xilkasnimo iyo xikmad leh ugu celiyay aqaladooda,” ayuu yiri Cali Yare

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray  n wax colaad ama amni daro ah aysan ka jirin magaalada Muqdisho isla-markaana ay heegan ku jiraan ciidamada ammaanka.

Ugu dambeyn Cali Yare ayaa ku baaqay in loogbaahanyahay in aan la siyaasadeyn amniga, maadaama uu yahay wax Ummadda wada leedahay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo saacadihii u dambeeyey la hadal-hayey warar soo baxay oo sheegayey in Saadaq Joon iyo ciidamadiisa ay dageen xaafadda Shiirkoole ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ka bilaabay dhaq-dhaqaaq ka dhan ah dowladda.