Xog: SACIID DENI oo ku dhawaaqaya go’aan culus

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha mamaulka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa lagu wadaa in Sabtida soo socota uu hortago baarlamaanka maamulkaasi, si uu khudbad ugu jeediyo, isaga oo laga filayo go’aan culus.

Xildhibaanada Puntland ayaa loo diray farriin, iyada oo lagu war-geliya inay soo xaadiraan kulankaasi oo uu ka qeyb-gali doono madaxweynaha maamulkaasi.

Deni ayaa xarunta baarlamaanka ka jeedin doono khudbad uu kaga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan doorashooyinka dalka.

Wararka ayaa sheegaya inuu si gaar ah diirada u saari doono burburka ku yimid wada-hadalladii arrimaha doorashooyinka ee ka socday magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa la filayaa in khudbaddiisa uu ku soo qaado go’aankii baarlamaanka ee muddo kordhinta loogu sameeyey hay’adaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xog kale oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Deni la filayo inuu ku dhowaaqo go’aan ay Puntland si rasmi ah uga baxeyso ka mid ahaanshaha dowladda federaalka iyo guud ahaan nidaamka federaalka ee dalka.

Puntland ayaa horey uga hortimid tallaabada uu qaaday baarlamaanka Soomaaliya ee muddada labada sano ah loogu daray madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).