DF oo shaacisay goorta loo fariisanayo IMTIXAANKA shahaadiga dugsiyada sare

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey goorta loo fariisanayo imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka.

“Qiimeyn iyo wadatashi dheer kadib, waxa ay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ku wargelineysaa dhammaan Bahda Waxbarashada in imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee dugsiga sare ee sanad dugsiyeedka 2020-2021 la geli doono 22-ka illaa 26-ka bisha 5-aad ee Maajo , 2021,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka.

Qoraalka wasaaradda ayaa intaas ku sii daray, “Wasaaraddu waxay ku boorinaysaa dhammaan maamulayaasha dugsiyada in ay xil iska saaraan in arday kasta oo ka qeyb gelaya imtixaanka uu helo kaarkiisa agoonsiga iyo muraajaco ku filan ka hor xilliga imtixaanka.”

Ugu dambeyntii qoraalka wasaaradda ayaa ardayda sanadkan geleysa imtixaanka loogu rajeeyey natiijo wanaagsan iyo horumar ay ka gaaraan imtixaankan shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2020-2021.

Sanad dugsiyeedkii kan ka horeeyey ayaa lagu xasuustaa in imtixaankii dowlaadda ay ku dhaceen arday aad u badan, kuwaas tiradooda lagu sheegay 8,550 oo arday.

25.35% celcelis ahaan ayaa ku dhacday imtixaankaas, waxaana u fariistay 33,727 oo arday, 90% ardaydii ku dhacday imtixaankaas ayaa wax ku baratay gobolka Banaadir, taas oo abuurtay shaki iyo aaminaad darro weyn oo ay imtixaanaadka dowladda ka qaadeen dadka reer Muqdisho.