Cabdullaahi Dool oo dalka ka cararay wareysi xasaasi ahna siiyey Times of Israel

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdullaahi Dool oo ka tirsanaa wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, kaasi oo la ceyriyey markii uu taageeray in Soomaaliya ay xiriir la yeelato Israel, ayaa sheegay inuu Soomaaliya ka cararay isaga oo naftiisa u baqaya.

Wareysi uu siiyey wargeyska Times of Israel ayuu ku sheegay in weli uu aaminsan yahay xiriir dhex mara Soomaaliya iyo Israel, wuxuuna dalbaday in dowladda Soomaaliya ay cudur-daar ka bixiso cayrintiisa.

“Waxaan aad u taageerayaa in dalkayga uu xiriir diblomaasiyadeed la yeesho Israel. Waxaan ogahay in dad badan ay sidoo kale arrintan ila qabaan. Waxay sidoo oo kale is-weydiinayaan waxa ay waqti badan u qaadatay” ayuu Cabdullaahi Dool ku yiri wareysiga uu siiyey wargeyska kasoo baxa Israel.

Wareysigan ayaa sida la sheegay lagu qaaday WhatsApp iyo Email ayada oo aan la sheegin halka uu joogo Cabdullaahi Dool, sababo amni dartood.

“Israel waxay saameyn weyn ku leedahay gobolka iyo caalamka” ayuu yiri Cabdullaahi Dool, oo ahaan jiray agaasimada wasaaradda arrimaha dibedda.

“Waxaan rumeysanahay in xiriir lala yeesho Israel ay dan u tahay labada dal. Mid ka mid ah sababaha aan u doonayo in xiriir uu na dhex-maro anaga iyo Israel ayaa ah inay naga caawin karto la-dagaalanka argagixisada” ayuu yiri Cabdullaahi Dool.

“Waxay ahayd arrin soo daahday. Aas-aaska xiriir diblomaasi oo dhex mara labada dhinac, cidna dhib uma gaysanayso, balse waxay sare u qaadaysaa nabadda iyo wada-shaqeynta” ayuu yiri Cabdullaahi Dool.

“Waxaan rumeysanahay in Israel ay naga caawin karto dhameynta rabshdaha dalkeena ka socda, Israel waxay noo furi kartaa albaabo badan sababtoo ah saameynta ay ku leedahay dunida. Waxaan aaminsanahay in xiriir aan la yeelano Israel ay ahayd in mar hore la aas-aaso” ayuu yiri.

Soomaaliya iyo Israel weligood xiriir ma yeelan. Villa Somalia ayaa markii la eryey Cabdullaahi Dool sheegtay inay Sooomaaliya iyo Israel uusan marnaba xiriir dhex-mari doonin inta Israel ay haysato dhulka Falastiiniyiinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com