Dowlad African ah oo ku dhawaaqday in Al-Bashiir ay magangelyo siineyso

Kampala (Caasimadda Online) – Uganda waxay ka baaran degeysa in magangelyo ay siiso madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Suudaan, Cumar Al Bashiir, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Uganda Henry Okello Oryem.

Wasiirka oo Suxufiyiinta kula hadlay Xarunta Barlamaanka Uganda ee magaalladda Kampala waxa uu tilmaamay inuu Al-bashiir door muhiim ah  ku lahaa Heshiiskii Nabadda ee la kala dhex dhigay Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ee dalka Koonfurta Suudaan.

Waxaa uu sheegay in Al Bashiir uu kaalin weyn ka qaatay nabadeynta dalka deriska la ah ee South Sudan.

“Haddii laga codsado inay magangelyo u fidiyaan Al Bashiir, waa arrin u baahan inay eegaan hoggaanka ugu sarreyso dalka” ayaa laga soo xigtay xilli uu u warramayay wakaaladda wararka ee AFP.

Wasiirka wuxuu ugu baaqay hoggaanka militariga Suudaan inay qaddariyaan codsiga shacabka isla markaasna ay xukunka ku wareejiyaan dowlad rayid ah.

Dhinaca kale, Henry Okelllo Oryem waxa uu ku celceliyey inay dowladda Ugandha si dhow indhaha ugu hayaan Xaalladaha dalka Suudaan, isla markaana ay muhiim tahay in si nabad ah lagula kala wareego xilka, iyadoo la xushmeeynayo Rabitaanka Shacabka Suudaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com