Waa sidee maanta xaalada Muqdisho oo cabsi badan ay ka jirto iyo ciidamado cusub oo lasoo daadiyey?

Muqdisho (Caasimada Online )- Waxaa saaka caadi ah dhaqdhaqaaqa dadweynaha ee magaalada Muqdisho, iyadoo waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ay adeegsanayaan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Balse ciidamada dowladda ayaa feejignaan muujinaya, kuwaasi oo loo diyaariyay inay ka hortagaan banaanbaxyo la hadal hayay maalmihii ugu dambeeyay inay ka dhacaan magaalada Muqdisho.

Cabsi Xoogan ayaa xalay la geliyay qaar kamid ah shacabka magaalada Muqdisho, waxaana dadka ay aamisanaayeen inay maanta dhacayaan banaanbaxyo laga digayay maalmihii ugu dambeeyay inay ka dhacayaan magaalada Muqdisho.

Gaadiidka qaar ee Bajaajta ay kamid tahay ayaa dhalinyaradii waday waxay sameeyeen shaqo joojin, iyaga oo ka baqayay inuu saameeyo banaanbaxa la filayo inuu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamadii ugu badnaa ku daadisay waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo laga baqayo in banaanbaxyada ay noqdeen kuwo lamid ah midkii todobaadkii hore ka dhacay magaalada Muqdisho.

Taliska ciidamada Booliska iyo maamulka degmada Howlwadaag ayaa wali xabsiga ku haya 45 Bajaajlayaal ahaa oo lagu eedeeyay dambiyo kala duwan kuwaasi oo kamid ahaa dadkii banaanbaxyada ka dhigayay magaalada Muqdisho.

Waxaana gacanta dowladda ka maqan askarigii uu ka bilowday banaanbixii todobaadkii hore ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo wali aysan cadaalad helin wiilkii dhalinyarada ahaa iyo abtigiis.

Dowladda ayaa xalay soo fariisisay TV-ga qaranka Culumaaudiin iyo siyaasiyiin taageero, kuwaasi oo ka horjeeday in shacabka Muqdisho ay dareenkooda ku muujiyaan banaanbaxyo nabdoon.

Cabsi weyn ayaa wali ka jirta magaalada Muqdisho, iyadoo laga baqayo in banaanbax magaalada dhan is qabsada uu ka dhaco caasimada Soomaaliya, balse Jawiga ayaa hadda ah mid degen.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com