Goonni isu-taaga dowlada Puntland waa muqaddas!

Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Aan ku bilaabo’e hogaamiyaha maamulka Puntland: Siciid Cabdullaahi Deni, iyo wafdi lasocday, ayaa bishan Abriil 15-keedii kulan dalka Imaaratka kula qaatay madaxda shirkadda DP-World, oo uu hogaaminayey maamulaha shirkada: Sultan Ahmed Bin Sulayem. Waxaa kulanka looga wada hadlay sidii shirkadda Fly Dubai duulimaadyo uga sameyn lahayd garoomada Puntland. Madaxda Shirkadda Fly Dubai ayaa xustay in kulankey la qaateen “Madaxweynaha” Puntland, uu yahay “Mid muhiimad gaara u leh”, ayna soo dhoweynayaan wada xaajoodka ku salaysan “Toos isugu xirka” Puntland iyo Imaaraadka.  Dhinaca kale; Shirkadda DP-World ayaa balanqaaday, inay dedejin doonto dhammaan hawlaha la xiriira dekedda Boosaaso, isla’markaana ay ilaalinayaan hishiisyada iyo wax-walboo ku saabsan mashruucaas, ee lagu horumarinaayo xiriirka ganacsi, wada-dhalasho, siyaasadeed iyo kan soo jireenka ah ee Puntland iyo Imaaraadka.

Waayaabe! Dowladda Imaaraadka Carabta soow ma aha dowladan xiriirka xumi uu dal ahaan inagala dhexeeyo, oo illaa UN-ta iyo Jaamacada Carabta aan ku dacweeyney? Heshiis-kusheegaa eey la gashay maamulada Somaliland, iyo Puntland-na, soow baarlamaanka Soomaaliya sharci-darro kuma tilmaamin, walibana “Dalka” kama mamnuucin Shirkadda DP World? Yaab!

Sideedaba maadada taariikhda (History) Aduunka muhiimad gaar ah ayey uleedahay, maxaa yeelay dhaqankii, iyo dhacdooyinkii hore, waxaa looga qiyaasqaataa, ama lagusii odorosaa waxa dhicikara mustaqbalka, sidaa daraadeed dhaqankan foosha xune maamulka Puntland, ma aha wax cusub, ee waa dhaqan soojireen ah, waxa kaliya ee isbadalayey waa hogaamiyeyaasha maamulka. Waxa kaliga ee maamulka Puntland, iyo Dowlada dhexe kuheshiin karaan, waa in dowlada dhexe uyeesho maamulka Puntland sida uu rabo, oo ah marna ineey dowlada dhexe katirsanaato, markeey doontana udhaqanto sidii dalka Soomaaliya ka madax bannaan, iyadoon kudhawaaqin, ama kabasiidarane, dowlada dhaxoo dhan la hoosgeeyo maamulka Puntland, sida mararka qaar dowladihii hore ugu dhicijirtay.

Akhristoow mudo laga joogo kudhawaad 5-sano (Monday 21 July 2014) ayaan maamul-Beeleedyada ka qoray maqaal ciwaankiisu ahaa: Maamul-beeleedyadu waa siriqda Soomaali loosii milqay. Dabcan sida maqaalkaba aad ka dheehankarto, xilligaa maamul-Beeleedyadu intan weey ka badnaayeen, balse waxaan waxba iska badalin, danihii uu kalahaa cadowgii federal/fadaro-Aalka shirkii Mbagathi, ugu soodhiibay hogaamiye-kooxeedyadii xilligaa, taasoo aheyd, in lahelo Soomaaliya oo lakala qeybiyey, ama lakala googooyay (Balkanization of Somalia), taasoo aan dib unoqon dal mideeysanoo, doowlad xoogna leh, iyo waliba hal wadoo loogu hagaagikaro. Kasooqaadashadii Melez Zenawi-gii Itoobiya qandaraaska Federal/Fadaro-Aalka, oo xilligaa madaxweynenimo looga badashay, fulintiisii xiligaa, iyo udoodidiisa markastaba, waxaa hormood ka ahaa, hadana ka ah siyaasiyiin kasoo wada jeeda maamulka Puntland.

Macquul ma aha maamul katirsan dal, inuu xiriir dibadeed layeesho dalkale, oo dalkii maamulkaa kadirsanaa eey isku kacsan yihiin. Bal kawaran, hadii maamul (State) Mareeykanka ah, xiriir toos ah lasameeyo wadamada Mareeykanku isku kacsan yihiin, sida: Iiraan, Kuuba iyo Kuuriyada Waqooyi, iyadoo heer dal wali dhibka kadhexeeya aan wax xal ah lagagarin? Jawaabtu waa: Wax dhicikara maaha.

Waxa maamulka Puntland sameeynayo, ma aha wax caadi ah. Waa foowdo. Waxeey fadeexo kutahay siyaasada arimaha dibada ee dalkeena Soomaaliya. Waxa madaxda maamulka Puntland sameeynayaana waa khaa’inul-wadannimo (Treason). Nasiibdarrase! Waxeey maamulka Puntland iyo madaxdiisaba taaganyihiin, hadaan sikastoo fool xun, oo fadeexo qaranka ummada Soomaaliyeed ku ah u dhaqanno, maxeey dowladan dhexee dalkoo dhan gacanta ugu jirin inaga qaadikartaa? Waxeey sidoo kale taagan yihiin: Soow Somaliland kama caqli, iyo farsamo badinin, mar hadii markaan doonana aan udhaqmeeyno, dowlad kamadax bannaan Soomaaliya, innagoon arintaa kudhawaaqin, dhanka kalana, markaan doono kudhexjirna Soomaaliya.

Waa su’aal da’weeynoo madaxa daalineeysee, maxaa dowlada dhexe uladagaashey Xaaf iyo maamulka Gal-Mudug, markii Xaaf “isaga qaraab tagay” Imaaraatka, kadib markuu kaligii maamulkii Gal-Mudug boorsada isagasii qaatay, mar hadii maanta waxa maamulka Puntland sameeynayo, dowlada dhexe isaga aamusan tahay? Illeen wuxu waa lama maamuloo dowlada dhexe kawada tirsan, ficilka eey sameeyeenna waa isku mide, maxeey tahay farqiga ka muuqda ficilka doowlada dhexe, oo midna si dhab ah uga fal-celisay, illaa uu ka gilgilmay jiritaankii maamulka Gal-Mudug, kaasoo illaa maanta uu kasoo kaban la’yahay, halka dhaqanka maamulka Puntland, ee kaa Gal-Mudug la midka ahna, dowlada dhex wali uga falcelin sidii uu mudnaa, waliba iyadoo wasiirka arimaha dibadee dowlada dhexe, uu deegaan ahaan kasoojeedo maamulka Puntland?

Gabagabo iyo gunaaanad

Waxa Maamulka Puntland sameeynayo ma aha wax caalamka kadhaca, ma aha wax uu ogolyahay nidaamka Federaalka/Fadaro-Aalka. Ma aha wax midnimada, iyo isku duubnida dalka u adeegaya. Waa foowdo cad, oo aan cidi inkiri karin. Waa dhaqankii hogaamiye-Kooxeedyada Itoobiya midkii eey rabtaba uyeeran jirtay, una isticmaali jirtay danaheeda guracan, ee ka dhanka ah dalkeena hooyo ee Soomaaliya. Waa qas iyo qalalaaso loogu dhiiranayo oo kaliya, maadaama dowlada dhexe aan dalkoo dhan gacanta ugu jirin. Dowlada dhexe waa ineey arintan foosha xun si aan kala har laheyn uga dhiidhisaa, sideey hore uga dhiidhiseyba markii maamullada qaar hore ugu dhaqaaqeen. Waa dhaqan hadii dowlada dhexe ogolaato, sidii dowladihii ka horeeyey u ogolaan jireenba, dhigidoona meeshii dowladihiii hore uu dhigay. Mahadsanidiin

Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor)
Dhaqaaleyahan, qoraa, iyo falanqeeye siyaasadeed

abdulkadirphd@hotmail.com, Minnesota-USA

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid