Somaliland oo xabsiga dhigtay wariye Coldoon

Burco (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Somaliland ay xabsiga dhigeen Wariye C/maalik Muuse Coldoon.

Ciidamada ayaa qabtay Cabdi Maalik xili la sheegay inuu gaarigiisa ku dhex watay bartamaha magaalada Burco, waxaana la ogeyn waxyaabaha ka dambeeya xariga wariyaha oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada.

Qaar kamid ah xubno ka tirsan ehelkiisa ayaa xaqiijiyay in ciidamada booliska ee Somaliland ay xabsiga dhigeen wariye C/maalik, waxaana ay sheegeen inay ka walaacsan yihiin sida loola dhaqmi doono.

Booliska gobolka Togdheer ayaa horey u sheegay in ciidamada Somaliland ay hayeen Waaran kasoo baxay maxkamada magaalada Hargeysa kaasi oo lagu faray inay xeraan Wariye C/Maalik Muuse.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa jirtay hadal-heyn ku aadan in Ciidamada Booliska Somaliland ay baadi goobayaan Wariyaha oo dhawan kasoo laabtay qeybo ka mid ah dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo Warbixino uu kasoo diyaariyey.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon ay ciidamada Booliska Somaliland Xabsiga dhigaan,waxana horay u jirtay in Maxkamada Magalada Hargeysa ay xukun ku riday.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Wariyaha Maanta loo wareejiyay magaalada Hargeysa, si halkaasi loogu maxkamadeeyo.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka gobolka Togdheer oo ku aadan xariga Wariyaha, balse waxaa socda dadaalo ehelkiisa ay sameynayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Smaliland
Caasimada@live.com