Halkee ku dambeeyeen dacwadihii musuq ee loo haystay wasiiradii Biixi?

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xeer ilaalinta guud ee Somaliland ayaa maanta ka hadashay halkii ay ku dambeeyen dacwadihii musuq ee loo haystay Wasiiradii hore ee Gaashaandhiga Axmed Xawar iyo Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo.

Xeer ilaalinta guud ayaa sidoo kale sheegtay in Hanti-dhawrka guud ee Somaliland ay dib ugu celisay dacwadihii musuq ee loo haystay Wasiiradii hore ee Xukuumada Muuse Biixi.

Kuxigeenka xeer ilaaliyaha guud Mowliid Cabdi Maax, oo arrimahaas ka hadlaya ayaa sheegay in aan ilaa hadda lahayn Mas’uuliyiin u xidhnaa arimo musuq-maasuq oo maxkamaduhu kusii daayeen damaanad.

“Waxaanu doonaynaa runtii inaanu maanta halkan kaga hadalno caqabad balaadhan oo naga haysata maxkamadaha, maxkamadan gobalka Maroodi-jeex waxa jiray eedaysanayaal loo haystay inay ku tagri-faleen hanti qaran, oo ay dhaceen baanka Berbera oo muddo dheer ay dacwadoodu socotay oo marka horena ay maxkamaduhu damaanad ka qaadeen ilaa maxkamada sare, kiiskii markuu dhaqaaqi waayeyna in guddoomiyha gobalka Maroodi-jeex uu dammaanadii kala noqday, dhinicii eedaysanayaashu waxay dureen gudoomiyaha waxaana loo wareejiyay garsoore Idirs Maxamed Maxamuud, anagu xafiis ahaan markii kiiskaas aanu si fiican u dhaqaajinay ee aanu cadaymihii markhaatiyadii, faylalkii aanu maxkamada hordhignay ayaa markii la arkay inay dacwadaasi soo gabo-gaboobayso oo cadaymaha aanu maxkamada keenayna la arkay inay yihiin kuwo xoog badan in nimankii damaanad laga qaado, taas oo aanu anagu dareen ahaan qabno inay yihiin niman lagala ordaayo falkaas ay galeen, maadaama oo ay hanti faro-badan oo si cad looga dhacay bangiga Berbera oo uu dhibane ka yahay bangiga dhaxe, kuwaas oo isugu jiray shaqaale bangiga ah iyo niman sariflayaal ah oo ay leeyihiin gacan saar”. ayuu yiri Mowliid Maax.

Kuxigeenka Xeer ilaaliyaha guud ayaa sidoo kale sheegay in xeerka musuq-maasuqu aanu u ogolaaneyn in la damiinto qofka ku eedaysan arrimo musuq, oo aan loo iibin karin xariga, xitaa kama faa’iideysan karo cafis Madaxweyne haddii uu xukun ku dhaco.

“Waxay noqotay inay maxkamadii si badheedh ah damaanad looga qaado, waajibaadkayaga ayuun baanu ka gudanaynaa waana waajib in ay maxkamaduhu ilaaliyaan sharciga waana ruuxdii sharciga, waxa nasiib daro ah maxkamadii sharciga ilaalin lahaa inay ku tuntaan sharcigii. Bangigiina waa uu nala dul taagan yahay waxaanu na leeyahay maxay sidani u dhacday, markaas waa jaah-wareer na haysta. Caqabad weyn ayaa naga haysata, damaanadaas way jirtaa oo waxa ugu danbeeyay kii madbacada oo ay damaanad maxkamaduhu ku sii daayeen, dacwad soconaysaana haba yaraatee ma jirto waxa la la’yahay kii damiintay, maxbuuskii lama hayo jaah-wareer ayaa naga haysta” ayuu yiri Mowliid Cabdi Maax.

Wuxuuna intaa kusii daray Kuxigeenka Xeer ilaaliyuhu “Nimankan lacagta ay ku eedeysan-yihiin ma xadi ayay leedahay boqol kun oo milyan oo Somaliland ah ayay ku eedaysan yihiin”.

Ugu dambayntii Mowliid Maax ayaa ka hadlay halka ay ku dambeysay eedihii musuq ee loo haystay qaar kamid ah Wasiiradii uu Madaxweyne Biixi xilka ka qaaday, wuxuuna yiri “Runtii faylkaasi waxa uu ubaahnaa cadaymo dheeraad ah waxaana lagu celiyay hanti-dhawrka guud, wixii ka dhimana maadaama oo uu baadhis dheer galaayo, waxa uu ku maqan yahay dhanka hanti-dhawrka guud”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com