Hal qoys oo caawa dil wadareed loogu gaystay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Koox hubeysan ayaa caawa rasaas ooda kaga qaaday dad shacab ah oo ku sugnaa guri ku yaalla agagaarka Suuqa Kaawo Godey qeybta xigta Degmada Dharkiinley.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay inay arkeen koox hubeysan oo ka degatay gaari nuuca raaxada ah, intaasi kadibna ay rasaas ku fureen guri dad shacab ah ay deganaayeen.

Ilo xog ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in tacshiiradan ay ku geeriyoodeen ilaa 5 ruux oo isku qoys ahaa, ayada oo lix qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

Waxaa kaloo naloo xaqiijiyay dadkan la beegsaday inay ehel yihiin Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Kalluuneysiga Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arrintan salka ku heyso aanooyin qabiil, balse lama xaqiijin karo.

Ragii ka dambeeyay falkaas Caawa ka dhacay Xaafada Kaawo Godey ayaa waxaa la sheegay in ay ku baxsadeen gaari nooca raaxada ah oo wateen.

Ciidamada ammaanka oo tagay goobta ayaa bilaabay baaritaano ay ku raadinayaan raggii falkan ka dambeeyay oo baxsad ah.

Xaalad kacsanaan ah ayaa caawa laga dareemayaa aagga uu falkan ka dhacay, bacdamaa dadka deegaanka ay muujinayaan baqdin badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com