Madax goboleedyada oo Nairobi kula shiraya beesha caalamka kana dalbanaya arrin ka dhan ah dowlada

Nairobi (Caasimadda Onlin) – Waxaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Nairobi ka socdo qaban qaabada kulan ay halkaas ku yeelanayaan Madaxda Maamulada Puntland, Galmudug iyo Jubbaland kaasoo looga hadli doono arrimo xasaasi ah.

Madaxweynayaasha maamuladaas oo aan xiriir ffiican la laheyn Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalbaday kulankaas ay la yeelanayaan Beesha Caalamka waxayna cabasho ka yihiin inaysan helin lacagaha Mashaariicda ee Dowladda Soomaaliya loo soo mariyo.

Deni, Xaaf iyo Axmed Madoobe ayaa doonayo inay Beesha Caalamka si rasmi ah ugu sheegaan in hadda kadib aan wax lacag iyo mashaariic ah aan loo soo marin Dowladda Federaalka Soomaaliya taas badalkeedana iyaga si toos ah loola macaamilo.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Shalay gaaray Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya, Sidoo kale waxaa maalmo ka hor isna halkaas tagay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana la filayaa inuu dhawaan halkaas soo gaaro Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo hadda ku sugan dalka Imaaraadka Carabta.

Sida ay Caasimadda Online ogaatay Madaxda Jubbaland, Galmudug iyo Puntland in wadajir magaalada Nairobi kula kulmi doonaaan wakiilada Beesha Caalamka, iyagoo kala hadlaya barnaamijka la macaamilka gaarka oo Beesha Caalamka dib u soo cusbooneysiisay in maamul goboleedyada si gaar ah uga taageerto barnaamijka Horumarinta iyo arrimaha bani’aadaminada.

Waxaa weli taagan Khilaafkii xoogaana ee u dhaxeeyey Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya kaasoo kasoo bilowday go’aanka ay Dowladda Dhexe ka qaadatay khilaafkii soo kala dhex galay Dowladaha Khaliijka.

Tan iyo markaas waxaa hakad la geliyay barnaamijyadii mashaariicda horumarineed ee Beesha Caalamka soo marsiin jireen dowladda Federaalka, waxaana muddo la hadal hayay in Beesha Caalamka ay qorsheyneyso sidii ay dib ugu soo celin laheyd barnaamijka macaamilka gaarka ah ee Maamulada iyo dowladda Federaalka ay si isku mid ah uga taageereyso mashaariicda horumarineed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku fashilmay kulan uu doonayey inuu Madaxda Maamul Goboleedyada isugu keeno Magaalada Muqdisho, waxayna madaxda Maamulada xujo ka dhigeyn in marka hore loo soo fasaxo Miisaaniyadda laga xajiray markii uu Khilaafka bilowday.

Wixii kasoo baxo kulankaas waxaad kala socon doontaa Caasimadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com