Video: DF oo Muqdisho ku soo bandhigtay ciidamo ka hor-taga dibad-baxyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Xisbiga ee magaalada Muqdisho kusoo bandhigtay ciidamo loogu talo galay ka hortaga rabshadaha iyo banaanbaxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Ciidamadaan ayaa tababar kusoo qaatay dalka Jabuuti, waxaana maanta lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho, iyadoo loo diyaarinayo inay ka hortagaan rabshado iyo banaanbaxyo ka dhaca magaalada Muqdisho.

Ciidamadaan ayaa qeyb ka ah ciidamada booliska ee la doonayo inay ka hortagaan rabshado ka dhaca magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin uu kamid yahay wasiirka amniga, taliyaha ciidamada booliska, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo xubno kale ayaa goobjoog ka ahaa munaasabada lagu soo bandhigayay.

Masuuliyiinta amaanka ayaa sheegay in ciidamadaasi ay ku biiri doonaan ciidamada sugaya amaanka caasimada Soomaaliya, walow aysan tiro ahaan badneyn, haddana waxaa qorshaha uu yahay in la geeyo isgoysyada qaar ee magaalada Muqdisho.

Arinta soo bandhiga ciidamadaan ayaa kusoo aadeyso iyadoo maalmahaan la hadal hayay banaanbax xoogan oo la filayo inuu ka dhaco magaalada Muqdisho, kaasi oo walwal badan ku beeray dowladda Soomaaliya.

Waxaa ka digay banaanbaxyadaan siyaasiyiin badan oo dowladda Soomaaliya ay dhaqaalo ku bixisay inay difaacaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com