Xildhibaan Mahad Salaad oo loo diiday in uu safar ku tago Dhuusamareeb

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo katirsan Xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku guul dareestay in uu gaaro magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Caasimada Online ayaa ogaatay in isku daygii ugu dambeeyay ee Xildhibaan Mahad Salaad uu ahaa dhowr maalmood ka hor, waxaana ka hortaagan Maamulkii Ahlusunna ee ku biiray Galmudug.

Xubno Xildhibaano ah oo katirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa Caasimada Online u sheegay in khilaaf ka dhashay awoodii maamul ee Dowladdii Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, islamarkaana ku wajahneed dhismaha Galmudug ay sabab u tahay in Mahad Salaad uu tagi waayo Dhuusamareeb.

Ahlusunna ayaa u aragta in cadaadis badan uu saaray Maamulkii Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo kaa shanayay mas’uuliyiin uu ugu waynaa Xildhibaan Mahad Salaad oo markaas wasiir ahaa, sidoo kalane saaxiib dhow la ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.

Macalim Maxamuud oo ah hogaamiyaha Maamulka Ahlusunna iyo Sheekh Maxamed Shaakir oo dhowr jeer la fariistay Mahad Salaad xiligaasi ayaa isku fahmi waayay arrimo la xariira Ahlusunna, waxaana markaasi bilaawday colaad oo taagan ilaa xiligaan.

Qaar kamid ah dhalinyarada degaanka gaar ahaan kuwa aad uga agdhow Mahad Salaad ayaa Caasimada Online u sheegay in Xildhibaanka uu u cadeeyay in muran uu kala dhaxeeyo Macalim Maxamuud iyo Sheekh Shaakir.

Mahad Salaad oo maalmihii dambe bilaabay kulamo wadatashi ah uu la qaadanayo dhalinyarada iyo Odayaasha ayaa wajahaya Cadaadis adag. Kulamada uu wado ayaa u muuqda kuwa uu ku doonayo in uu dib ugu soo laabto Baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana uu hada bilaabay Shirar wadatashi ah oo arintaasi ku aadan.

Mahad Salaad waa Xildhibaan degaanka ah, waana xaalad aan wanaagsaneen in degaanka laga hor istaago balse waxaa jira kulamo aan wayneen oo ay wadaan Ganacsato ku heeb ah iyagoo doonaya in ay xaliyaa Khilaafka u dhaxeeya Macalim Maxamuud iyo Xildhihaab Mahad Salaad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com