Guddoonka baarlamanka Puntland oo jawaab kulul ka bixiyay hadalkii Goodax

Garowe (Caasimada Online) – Guddoonka baarlamaanka Puntland ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal kasoo yeeray wasiirka waxbarashada xukuumada Soomaaliya oo ku saabsanaa imtixaanaadka dowladda Soomaaliya ay qaadeyso.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa sheegay in wasiir Goodax Warkaasi uu ku ahaa gaf uu u geystay shacabka Puntland, isagoo sheegay inay ka sugayaan jawaab raali gelin ah.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in Wasiir Goodax uu qalqal geliyay Waalidiinta Puntland, balse wuxuu sheegay in Shacabka ay iyaga wakiilka ka yihiin inaysan marnaba ka walwali doonin hadalka kasoo yeeray wasiirka.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka ayaa xusay in dastuurka qabyada ah ee dalka uu dhigayo in Afar qodob oo dowladda dhexe awood u leedahay mooye in waxyaabaha kale wada xaajood laga wada gali karo.

“Wasiir Goodax waa nin labo xil haayo, marna waa wasiir marna waa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka, waxaan ka sugeynaa in hadalka uu sheegay inuu markale meel fagaaro ah inta uu soo fariisto ka sheego inuu ahaa gaf iyo qalad uu ummad dhan u geystay.

“Hadalkaasi waxaan u malaynayaa in Cabdullaahi Goodax uusan munaasab u aheyn, shacabkeena anagaa wakiil ka ah, markii horaba dhaqaalaheena wax walbaa ku sameysaneynay, hanjabaadaasi marnaba ma aqbaleyno, waxaan aqbali karnana maaha”

“Wasaaradda waxbarashada kaliya waxay xaq u leedahay inay ogaato ardayga xageena ka baxo inuu iskuuladeena ka baxeen kaliya inay xaqiijiso, ee hanjabaad kuma lahan wasiirka”ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka.

Caasimada online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com