Madaxweyne Muuse Biixi oo xanuun uu wajahayo darteed ugu baxay safar caafimaad

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta waxa uu safar aan la shaacin ugu ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta.

Safarkan uu Madaxweyne Biixi ugu baxay dalka Imaaraadka Carabta ayaa noqonaya safarkiisi saddexaad ee tan iyo xiligi la doortay uu ku tago dalkaasi.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa ku wehlinaya safarkiisan xubno katirsan Golahiisa Wasiirada, Inkasta oo ilaa hadda Madaxtooyada Somaliland aysan wax war ah kasoo saarin ujeedka safarkan iyo xubnaha ku wehlinaya.

Wararka ay Caasimada Online helayso ee ku saabsan ujeedka safarkan Biixi, ayaa waxay sheegayaan in safarka uu la xiriiro xaalado caafimad oo dhowaan soo wajahay madaxweyne Biixi.

Madaxweyne Biixi ayaa waxaa la sheegay inuu xanuun dhanka madaxa ah hayo, inkasta oo aan si rasmi ah loo ogeyn waxa uu yahay, islamarkaana baaritaan lagu sameyn doono inta uu joogo Imaaraadka Carabta.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com