Marka (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa ururka 26-aad, guutada 6-aad ee qeybta 60-aad ee Xoogga dalka ay howlgal culus ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolkaasi.
Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.
War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarkan oo ahaa bartilmaameed lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabi jiray Cabdulqaadir Xaaji Eenow, kana howlgallayay aagga deegaanka Golweyn.
“Dhagarqabe Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa xalay lagu dilay howlgal ay fuliyeen ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan ururka 26-aad, guutada 6-aad ee qeybta 60-aad, howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose” ayaa lagu yiri qoraalka,
Dilka sarkaalka ayaa yimid, kadib markii ay dadka deegaaka xogtiisa lasoo wadaageen ciidamada sameeyay howlgalka ee toogashada ku dilay Cabdulqaadir Xaaji Eenow.
Dhamme Faarax Maxamuud oo ah taliyaha ururka 26-aad, guutada 6-aad ee qeybta 60-aad una warramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in howlgalka uu guuleystay, isla-markaana uu u dhacay sida qorsheeyay, wuxuuna u mahadceliyay shacabka ku dhaqan halkaasi.
Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee guusha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana ciidamada dowladda ay dib ugu soo laabteen xeradooda, kadib khaarijinta sarkaalkaas muhiimka u ahaa Al-Shabaab.
Gobolka Shabeelaha Hoose oo ay weli joogaan Al-Shabaab ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro iyo dagaalo ay la galaan ciidamada dowladda ee ku sugan gobolkaasi.

