Cabsi cusub oo Muqdisho ku soo korortay iyo arrin soo baxday

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo marar badan ay ka dhaceen qaraxyo iyo dilal qorsheysan ayaa haatan waxaa kusoo kordhay cabsi xoogan oo dhanka amaanka ah.

Saraakiisha dhanka amaanka ayaa shaaciyay in gaarigii xamuulka ahaa ee shalay lagu qarxiyay Hotel SYL  inuu la socday gaari kale oo qarax uu saarnaa, waxaana ka horeeyay gaari kale oo lagu qabtay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa markaan waxaa soo wajahay cabsi xoogan oo dhanka amaanka ah, waxaana magaalada kusoo kordhay labadii maalin ee ugu dambeeyay kala shaki dhanka amniga ah iyo in baqdin horleh laga qaado gaadiid la dhigto laamiga hareerahiisa.

Sidoo kale cabsida ugu daran ayaa soo wajahday ciidamada dowlada Soomaaliya ee ilaalada ka haya waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho.

Gelinkii dambe ee shalay askari ilaalo ka hadyay agagaarka isgoyska Shaqaalaha ayaa eryaday gaari xamuul ahaa kaasi oo ka shakiyay balse markii dambe noqday gaari caadi ah oo qarax uusan saarneyn.

Dhacdadaasi ayaana argagax iyo kala shaki cusub ku beertay shacabka ku sugnaa agagaarka isgoyska shaqaalaha ilaa isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com