Yaa ka dambeeyay qaraxii SYL maxaysa aheyd ujeedada (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxii xooganaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimashada ku dhawaad 30 ruux iyo dhaawac intaasi ka badan, waxaana dadka badankood dhaawacay dhismaha hotelka oo kusoo dumay.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee falanqeeya amaanka Soomaaliya iyo siyaasada dalka ayaa sababeeyay cidda loo maleysan karo iney ka dambeysay qaraxii xooganaa ee dhacay iyo ujeedada laga lahaa.

Maxamed Maxamuud Caalim oo falanqeeya arimaha siyaasada iyo amaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dowlado shisheeye ay ka dambeeyaan qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in labo siyaabood loosoo maleegay.

Ujeedada koowaad ayuu ku sheegay iney tahay in lagu fashiliyo shirka madaxda urur goboleedka IGAD ay ku yeelanayaan magaalada Muqdisho, kaasi oo uu sheegay in la doonayo in amni daro darteed loo baajiyaa shirkaasi.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ujeedada kale ee laga lahaa ay tahay in lagu dhibaateeyo amaanka magaalada Muqdisho si qalqal loo geliyo doorashada ka dhacaysa magaalada Muqdisho.

“Dowlado shisheeye ayaa ka dambeeya qaraxii SYL waxaana laga lahaa ujeedooyin badan, waxaa ujeedada ugu horeeysa tahay in lagu carqaladeeyo amaanka oo la baajiyaa shirka IGAD ee Muqdisho la qorsheeyay inuu ka dhaco”ayuu yiri Caalim.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com