Xil. Jeesow oo ka sheekeeyay qarixii SYL iyo dhibkii soo gaaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa markii ugu horeysay ka sheekeeyay khasaarihii kasoo gaaray Qaraxii shalay kadhacay afafka hore ee Madaxtooyada Somalia.

Jeesow waxa uu sheegay in xiliga Qaraxa uu kasoo baxay Madaxtooyada Somalia, sidaana uu kula kulmay Qaraxa, waxa uuna cadeeyay in Qaraxaasi ay kaga dhaawacmeen laba kamid ah ilaaladiisa.

Jeesow waxa uu sheegay in gaarigiisa uu ku gubtay Qaraxa, halkaasina uu isaga tagay isagoo gaari iyo Istaaf la’aan ah.

Waxa uu sheegay in gaariga qaraxa fulinaayay la xabadeynaayay ku dhawaad 15 daqiiqo ka hor inta uusan qaraxa geysan, waxa uuna meesha ka saaray in Qaraxaasi uu ahaa mid sabab u ah dayacanaanta Hay’adaha amniga.

”Gaariga waxaa rasaasta looga soo bilaabay Oto oto gadaasheeda waxaa rasaas ku huwiyay ciidamadii wadada ku sugnaa dadaalka hay’adaha amniga ma yareen”

”Nin is qarxinaaya oo is dilaaya cidna ma celinkarto waayo nin doonaaya inuu dhinto warkiisa wuuba iska cadyahay ee waxaan dhihi lahaa halala shaqeeyo ciidamada amniga”

”Qaraxa cid waliba wuu saameeyay anigu waxaan ku waayay gaarigeyga iyo laba kamid ah ilaaladeyda oo uu dhaawac soo gaaray, gaariga Qaraxa fulinaayay xogtiisa iyo goobta uu ku xareysnaa waa la sheegay waxa ay aheyd in Hay’adaha amniga ay raadiyaan ka hor inta uusan Qaraxa dhicin”

”Maleeshiyadu ujeedkii ay laheyd wey gaartay waxa uuna ujeedku ahaa in la xasuuqo shacabka weyna dhacday, laakiin waxaan alle uga baryeynaa inta ku dhaawacmay caafimaad degdeg ah inlee Qaraxa saameyntiisa ma yareen”

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, waxa uu sheegay in weerarka uu ahaa mid ka duwan kuwii hore waxa uuna meesha ka saaray in Qaraxa uu noqon doono mid ku eg kan iminka dhacay.

Geesta kale, Hay’adaha amniga ayuu ugu baaqay inay ka feejignaadan kuwa hadda soo socda waxa uuna sheegay in maleeshiyadu ay maleegeyso Qaraxyo kan ka waaweyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com