Xog: Aala Sheekh oo Muqdisho isku uruursanaya + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ay wadaan Siyaasiyiinta, Aqoonyahaanada ka tirsan Ururka la magacbaxay Aalla Sheekh ee liijaanka u hayay dowladii ka horeysay tan Xassan Sheekh.

Dhaqdhaqaaqyada Siyaasiyiinta Aalla Sheekh ayaa si xooli ah uga socda Hoteelada Makka Al-mukarama iyo Jazeera ee magaalada Muqdisho, waxaana la arkayaa Siyaasiyiin hore oo dalka dib ugu soo laabtay kuwaasi oo wada ololo.

Dhaqdhaqaaqa Siyaasiyiinta Aalla Sheekh ee ka socda magaalada Muqdisho, ayaa u qeybsama laba dhinac, Siyaasiyiinta qaar ayaa wada ololo lagu taageerayo Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Halka ololaha labaad ay wadaan Siyaasiyiin dooneysa inay kuraas ka helaan labada Aqal ee Baarlamaanka si ay ugu tashankaraan codadka ay halkaasi ka heli doonaan.

Siyaasiyiintaani wada dhaqdhaqaaqa ayaa waxaa kabaaya Culimo la sheegay inay ka tirsan yihiin Aalla Sheekh kuwaasi oo iyaga aan qeyb ka aheyn labada dhinac ee aan kor kusoo sheegnay balse doonaaya keliya in dalka mar kale ay ka taliso Aalla Sheekh.

Dhaqdhaqaaqyadaani cusub ee ka socda Hoteelada ayaa waxa uu dareen gaar ah galiyay dhinacyada kale ee qeybta ka ah Musharaxiinta, waxa uuna arrinku u muuqdaa mid leysu biirsanaayo sida meesha looga saari lahaa Musharaxiinta kale ee lidka ku ah fekirka Aalla Sheekh.

Ma cadda waxa uu kusoo biya shuban doono dhaqdhaqaaqa Aalla Sheekh, waxa ayna kulamadaasi noqonayaan kuwo kusoo beegmay haddalkii dhawaan Xassan Sheekh uu ku beeniyay mamnuucida shirarka ka socda Hoteelada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com