Sawirro: Garoonka diyaaradaha MUQDISHO oo lasoo baxay muuqaal aad u QURXOON

Muqdisho (Caasimada Online)-Tan iyo markii la dhisay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa jawi mashquul badan laga dareemayaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Garoonka ayaa qeyb ka noqonaaya Garoomada ugu mashquulka badan Geeska Afrika, waxaana kusoo dega diyaaradaha ugu badan kuwooda ka kala imaaday Africa iyo Asia

Garoonka Aadan Cadde ayaa kamid ah ilaha dhaqaale oo ay ku tashato dowlada Somalia, waxaana xusid mudan in bilihii ugu danbeeyay uu Garoonka yahay mid aad mashquul u ah.

Saraakiisha Garoonka ayaa sheegay in Garoonka maalin waliba ay kasoo degaan diyaarado ilaa 40 ah oo isugu jira duulimaadyo gudaha dalka iyo kuwa caalamka.

Dhaqaalaha kasoo baxa Garoonka ayaan si toos ah u maamulin DFS, waxaana dhaqaalahaasi maamula Shirkadaha Turkiga ee gacanta ku heysa maamulka Garoonka.Garoonka Muqdisho 1

Garoonka Muqdisho 2

Garoonka Muqdisho
Garoonka 1

Garoonka 2

Garoonka 3

Garoonka 4

Garoonka 5