Wasiirka amniga oo go’aan yaab leh kasoo saaray amniga Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa shaaca ka qaaday inaysan mas’uul ka aheyn weerarkii lagu soo qaaday Hoteel SYL ee magaalada Muqdisho.

Dowladu waxa ay sheegtay inay mas’uul ka tahay amniga xarumaheeda iyo guud ahaan kan dalka, waxa ayna tilmaantay in mas’uuliyada weerarka lagu qaaday Hoteelka SYL ay dusha saaran doonaan mas’uuliyiinta iyo ilaalada Hoteelka.

C/risaaq Cumar Maxamed oo ah Wasiirka Amniga Gudaha xukuumada Somalia, ayaa sheegay in dowladu ay mas’uuliyada Hoteelada u dhiibtay maamulada iyo ilaalada u diiwaan gishan Hoteelada waxa uuna sheegay in dhibaatooyinka sida weerarada iyo wixii lamid ah ay iyaga kula xisaabtamayaan.

C/risaaq Cumar Maxamed, waxa uu sheegay in Hotel waliba maamulkiisa hadii aysan xaqiijin karin ammaanka dadka Hotelka degan iyo dadka isugu imaanaayo, inuusan aheyn Hoteelkaasi inuu sii furnaado.

Waxa uu intaa ku daray in dhibaatooyinka amnidarada ee ka dhaca Hotelada Muqdisho, mas’uuliyadeeda kaliya inaysan qaadayn Hay’adaha ammaanka Dowladda, balse ay qaadayaan Maamulayaasha Hotelada.

Wasiirka waxa uu cod dheer ku sheegay in weerarkii SYL uu lamid yahay weeraradii lagu qaado Hoteelada Muqdisho, sidaa aawgeedna wixii halkaasi shalay ka dhacay ay dusha saaran doonaan maamulka iyo ilaalada Hoteel SYL oo iyagu dayacay amniga Hoteelka.

”Weerarkii shalay ee lagu qaaday SYL wixii ka dhashay waxaa dusha saaran doona maamulka iyo Ilaadaha Hoteelka, waayo waxa ay dayacnaanta ka imaaday dhanka maamulka Hoteelka dowladu shaqo kuma laha”

Dhinaca kale, Wasiirka ayaa sheegay Wasaarada Amniga inay dejisay qorshe lagu xaqiijinaayo ammaanka Hotelada Magaalada Muqdisho, qorshahaasi oo Golaha Wasiirada ay meel mariyeen, islamarkaana laga doonaayo maamulayaasha Hotelada inay ku dhaqmaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com