XOG: Axmed Madoobe oo qorshe iyo xujo yaab leh u dejiyey ka mid noqoashada Labada AQAL

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa lasoo warinayaa inuu ku howlan yahay qorsho cusub oo uu ku kala sifeynaayo musharaxiinta dooneysa kamid noqoshada labada Aqal ee dalka, kuwooda ka imaan doona dhanka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa la sheehay in gabi ahaan uu kasoo horjeedo in labada Aqal ee Baarlamaanka ay kamid noqdaan Xildhibaanada hadda ka tirsan Baarlamaanka ee kasoo jeeda Jubbaland.

Axmed Madoobe oo kulan hordhac ah la qaatay Odayaasha Ergada ah, ayaa waxa uu kaga digay inay la imaadan xubno ay kamid yihiin Xildhibaanada hadda ku jira Baarlamaanka.

Madoobe waxa uu Odayaasha u sheegay inaan loo baahneyn in kuwii hore ay mar kale soo laabtaan, waxa uuna tilmaamay in loo baahan yahay wajiyo cusub.

Axmed Madoobe waxa uu sidoo kale Odayaasha u cadeeyay inaan la celinkarin wixii calaf ah, balse ay Jubbaland u baahan tahay in labada Aqal ay ku darsadaan xubno cusub.

Dadaalka Axmed Madoobe ayaa u muuqda mid lagu fashilinaayo qorshooyinka ay Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ku doonayaan in mar kale ay kaga mid noqdaan Baarlamaanada cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com