Meydad goordhow laga soo saaray Hotel Siyaad ee magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goordhow Meydad laga soo dhex saaray Hotel Siyaad oo dhinaca ku haya Hoteel SYL ee magaalada Muqdisho.

Meydadka laga soo saaray Hotel Siyaad, ayaa la sheegay inuu ku soo dumay dhismaha Hoteelka kadib markii uu saameyn xoogan u geystay Qaraxii laga soo buuxiyay gaariga ee shalay ku hor qarxay afafka hore ee Madaxtooyada Somalia.

Meydadka laga soo saaray Hoteelka ayaa la sheegay inuu ku jiray Meydka Sargaal ka tirsanaa Nabadsugida kaasi oo laga soo hoos saaray gidaar kusoo dul dumay.

Qaraxii ka dhacay afafka hore ee Villa Somalia ayaa burburiyay Hoteel SYL, Hotel Siyaad iyo qeybo kamid ah Madaxtooyada Somalia, waxaana sidoo kale xusid mudan in saakay Meydad kale laga soo hoos baxshay dhismooyin kale oo ku burburay Qaraxa.

Meydadka laga soo hoos saaray Hoteelka burburay ayaa waxaa galabta la dhigay filintijeero ku yaalla Madaxtooyada Somalia, waxaana lagu wadaa in maalinta barri ah lagu wareejiyo meydadkaasi eheladooda.

Dhinaca kale, Qaraxa ayaa noqonaaya kii ugu saameynta badan oo ka dhaca afafka hore ee madaxtooyada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com