Shariif “Wixii ka dhacay Muqdisho iyo sida ay DF u dhaqmeyso ma aqbaleyno”

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ay ka dhacayeen weeraro ismiidaamin iyo mid fool-ka-fool ah ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdala.

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdala oo kamid ah BFS, ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in la dayaco amniga magaalada Muqdisho iyo dadkii shacabka ahaa ee ku noolaa magaalada.

Xildhibaanka oo u waramaayay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho, ayaa DFS ku eedeeyay inay ku fashilantay sugidda amniga Dalka.

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdala, waxa uu sheegay in weeraradii dhacay aan la dhihi karin ciidamadu wey ka hortageen waxa uuna tilmaamay in DFS ay si cad ugu fashilantay amniga, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdala, waxa uu cadeeyay in dowlada Somalia, gaar ahaan Hay’adaha amniga aysan iska xilsaarin amniga, sidaa darteedna ay ku fashilantay amniga.

Isagoo u waramaayay Idaacada ayuu sheegay Fashilka laga dhexlay xasuuqa shacabka magaalada Muqdisho oo iyagu inta badan ku dhamaada weerarada dhacaaya.

Goobaha ay shacabka ku kulmaan ayuu sheegay in DFS aysan iska xilsaarin, balse dhacdooyinka noocaasi ah ay ka danbeyn doonto xisaabtan.

Xildhibaanka waxa uu sheegay in amni darada dalka ka jirta ay qeyb ka tahay ciidanka oo aan la siin mushaarkooda oo ay xaqa u lahaayeen.

Haddalka Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdala, ayaa imaanaya iyadoo weerar shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ay ku dhamaaden dad kor u dhaafaya 26 ruux, halka dhaawacuna uu kor u dhaafay 50.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com