Cabsi darteed, DF ayaa CC Shakuur u qabatay shaqo uu dhib ka mari lahaa

Dowladda Soomaaliya ayaa hor-istaagtay in siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu magaalada Muqdisho ku qabsado munaasabad uu ku xusi lahaa sanad-guuradii koowaad ee weerarkii lagu qaaday gurigiisa Muqdisho.

Weerarkaas oo dhacay 17-kii December 2017, ayaa lagu dilay qaar ka mid ah ilaaladiisa, ayada oo sidoo kalena lagu xiray Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo markii dambe lasii daayey.

Waxaa yaab lahayd in ku dhowaad saddexda milyan ee degan Muqdisho maanta loo ciqaabay loogana hor-istaagay inay goobahooda shaqo, waxbarasho ama ganasi tagaan si loo hor-istaago munusabadaas darteed.

Waxay ku tusineysaa heerka ay gaarsiisan tahay dulqaad la’aanta, kali-talisnimada iyo ka xadgudubka xoriyadda hadalka ee dowladda, iyo kaba sii daran’e cabsida ay qabto dowladda inta ay la eg tahay marka ay noqoto siyaasigan.

Aniga kama mid ahi dadka taageera Cabdiraxmaan Cabdishakuur, xaqiiqdiina waxaan ahayn Nabad iyo Nolol, balse wxaaa maskaxdeeda qaadan la’ inta ay le eg tahay dhibaatada munaasabad uu qabto Cabdiraxmaan ay gaarsiin lahayd dowladda?

Wuu hadli lahaa, dowladda ayuu dhalleeceyn lahaa, maanta oo dhan baraha bulshada sida facebook iyo twitter ayaa lagu faaqidi lahaa, kadibna berito waa la iska hilmaami lahaa, marka maxaa dhib ah oo taas ay ku noqon lahayd dowladda.

Waxa ii muuqda kaliya ayaa ah in inkasta oo dowladdan ay tahay tii ugu wanaagsaneyd ee dalka so marta, haddana ay tahay dowlad aan isku kalsooneyn, oo aan lahayn dulqaad ay ku xamisho dhaliilaha loo jeedinayo, taasina waa astaam lagu garto xukun jaceylka marka dambe isku roga kali-talisnimada.

Weerarkii sanad ka hor lagu qaaday Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu gaarsiiyey maqam sare. Ka hor wuxuu siyaasi Soomaalida ku xusuusato inuu iibiyey badda, balse dowladda iyo ficiladeeda aan laga fiirsan ayaa u rogay halyey ay ku hirtaan dhammaan inta dowladda kasoo horjeedda. Tallaabada dowladda ay maanta qaadayna waxay usii kordhisay oo kaliya maqaamkii horey loo gaarsiiyey.

Shaqo badan ayay uga baahnaan lahayd Cabdiraxmaan Cabdishakuur inuu magaciisa dib u muuneeyo, oo uu ka tiro kiiska fadeexadda badda, kana gado inuu yahay siyaasi u qalma inuu dalka hoggaamiyo, balse shaqadiisa waxaa u qabtay dowladda Soomaaliya.

W/Q: Axmed Cabdullaahi Cusubow
Balcad, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid