Cadaalad daro ka jirto Jowhar & banaanbax dad ku dhaawacmeen oo dhacay (BEEL cabaneysa)

Jowhar (Caasimada Online) – Dadweyne Careysan ayaa maanta banaanbax ka dhigay xaafadaha magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, banaanbaxaasi oo sababay in biliqo loo geysto dukaamo ku yaala magaalada iyo hakad ku yimid dhaqdhaqaaqii ganacsi ee magaalada.

Banaanbaxa oo ay dhigayeen dadweyne isku beel ah kana soo jeeda Galbeedka magaalada Jowhar ayaa ka careysnaa dil maalin ka hor magaalada askari ciidamada ka tirsan uu ka geystay magaalada loona geystay ruux kasoo jeeda beesha maanta banaanbaxa dhigay.

Waxay dadkaasi ka cabanayen cadaalad darada ka jirta magaalada oo ay sheegeen iney ugu weyn tahay kadib markii uu magaalada ka baxay askarigii dilka ka geystay magaalada Jowhar.

Mid kamid ah nabadooda  ku sugan magaalada jowhar ayaa sheegay ineysan fileynin intaasi ay dhaceyso sida ay sheegeen isagoo kala jeeday dhanka cadaalad darada.

Dhanka kale banaanbaxi maanta ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 3 ruux kuwaasi oo waxyeelo ay kasoo gaartay rasaas ay ridayeen ciidamada dowlada oo dadweynaha kala eryayay.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com