KENYA oo Gaas ugu yeertay la-tashi ku saabsan arrinta badda kadib markuu taageero u muujiyey

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/welli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka duulay magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal iyagoo aaday dhanka magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wararka la xiriira safarka madaxweynaha Puntland ayaa sheegaya in la doonayo in halkaasi uu kula kulmo madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo masuuliyiin kale oo dowlada Kenya ka tirsan.

Wararka laga helayo Garowe ayaa sheegaya in Kenya ay C/weli Gaas ugu yeeray la-tashi ku saabsan muranka Xuduudka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo la sheegay inuu madaxweynaha Puntland  ka mid yahay madaxda Soomaalida ee Kenya ku taageersan sheegashada qeyb ka mida Badda Soomaaliya.

Sida wararku ay sheegayaan Gaas ayaa siin doona Kenya oo xog badan oo ku saabsan muranka Kenya iyo sirta dowladda Soomaaliya ee arrintaas ku saabsan, maadaama uu horey dalka uga soo noqday ra’iisul wasaare intii murankan uu socday.

Safarkan ayaa yimid iyadoo ay madaxweynaha Puntland marti u ahaayeen ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali iyo hogaamiyaha Juba Axmed Madoobe, taasoo muujineysa ahmiyadda uu siinayo socdaalkan.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com