DAGAAL BEELEED qaraar oo ka dhacay MUDUG

Dagaalkan oo u dhaxeeyay laba beelood oo walaalaha ah, ayaa leesku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo dadka Deegaankuna uu ku khasbay inay guryahooda isaga barakacaan.

Dagaalka, ayaa galabta ka qarxay Deegaanka Xarar oo hoos-tagga Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, wuxuuna dagaalku salka ku hayaa arrimo la xiriira baraakadaha biyaha, oo ay beelahaasi isu qabteen.

Dagaalka waxa uu soo gaaray gabal-dhicii caawa, xilli aynaan jirin cid soo kala dhex gashay dhinacyada wada dagaalamay, kuwaa oo si iskood ah u joojiyay dagaalka.

Dhinacyadaasi, ayaa waxaa la soo sheegayaa in weli ay isu hor-fadhiyan goobihii uu gabalka ugu dhacay, waxaana laga cabsi qabaa in markale ay foodda is daraan, haddii aan la soo dhex-gelin.

Ugu yaraan shan ka mid ah dhinacyadii dagaalamay, ayaa la xaqiijiyay in dagaalka ku dhimatay, tiro kale oo intaasi ka badanna waa ay ku dhaawacantay.

Wararka waxay intaa ku darayan in inta badan shacabkii halkaasi ku dhaqnaa ay isaga carareen guryahooda, si aynaan waxyeelo kaga soo gaarin hubkii leesku adeegsanaayay dagaalka.

Imaam C/laahi Khaliif Rooble oo ka mid ah Odayaasha Golaha Dhaqanka Gobolada Dhexe, ayaa labadaasi beelood ugu baaqay in si deg deg ihi lagu joojiyo dagaalka, lagana wada hadlo wixii leesku qabtay.

Dagaalkan waxa uu daba socdaa mid kaloo toddobaadkii hore labadaasi garab ku dhex maray Deegaanka Xarar. Dadka aan qaybta ka ahayn dagaalka waxay ku baaqayan in xal laga gaaro, waxa uu salku ku haayo.

Caasmada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com