Warqad uu Barack OBAMA qoray 20 sano ka hor oo la helay iyo arrimo yaab leh oo laga ogaaday!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta badan warbaahinta Caalamka ayaa si aad ah u hadal hayo qoraal uu Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama qoray 20-sano ka hor.

Warbaahinta oo heshay warqadaasi ayaa qortay in waraaqdaasi uu Obama daabacay Taariikhdu marka ay aheyd 23 July 1995, waxa ayna ku soctay warqadu walaalkiis oo ay bahwadaag ahaayen.

Shaqsiga uu Obama xiligaasi u diray warqada oo lagu magacaabo Malik Abongo, ayaa waxa uu kala hadlaayay arrin isaga khuseysa.

Barack Obama oo xiligaasi Qareenka ka ahaa magaalada Chicago, ayaa walaalkii uga xog waramay hankiisa siyaasadeed, dhibaatooyinka haysta dadka madowga ah iyo weliba xaaladda caafimaad ee Hooyadii.

Walaalkiisa ayuu qoraalka ugu sheegay in qaar ka mid ah saaxiibadii kula taliyeen in uu u tartamo Aqalka Senate-ka ee Maraykanka isna uu la qaatay si uu ugu doodo dadka Madow ee Maraykanka.

Warqadan ayaa waxa lagu daabay wargeyska Daily Mail kaas oo qadar lacag ah ka siistay ninka warqadan loo qoray ee Abongo waxa ayna u qorneyd sida tan:
Obama-Letter (1)

obama1-1-e1435490990747-2zdx5eg24fpxu1oqpidkp6

Obama-Brother-2-e1435487805313