Madaxweyne XASAN Sheekh oo ka hadlay arrin magaalada MUQDISHO la isla dhexmarayo !!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Xasan Sheekh ayaa ka hadlay wararka sheegaya in wada shaqeyn ay kala dhexeyso kooxo daneestayaal ah oo kasoo horjeeda danaha Somalia.

Madaxweyne Xassan ayaa sheegay inuu beeninaayo wararka la xiriira inuu gacansaar la leeyahay kooxo gaar ah, waxa uuna Tilmaamay in hadafkiisa uu yahay inuu la dagaalamo kooxaha iyo shaqsiyaadka gaarka ah ee doonaayo in danaha Umadda Soomaaliyeed ay ka hormariyaan tooda gaarka ah.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay inta uu talada hayo in uusan aqbali doonin ujeedo koox gaar ahaaneed islamarkaana wax weliba wada tashi ay ku islaaxi doonaan sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu carabka ku dhuftay inay suuragal tahay in Kooxo gaar ah oo kasoo horjeeda danaha Somalia uu kala hadlo sidii xal loo gaari lahaa balse uusan ku taageeri doonin arimahooda.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imaanaya xilli la isla dhexmaro in Koox diimeed gaar ah uu ka tirsan yahay dhaqaalaha dalkana uu gacanta u galiyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com