Arag sawirada Salaadiin Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid ku soo dhaweysay Magaalada Qardho

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu Hogaaminaayo ayaa gaaray magaalada Qardho.

Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa Qardho kusoo dhaweeyay Salaadiin uu kamid ahaa Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka mid ah hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa dadkii ku soo dhoweeyey Qardho wuxuuu uga mahadceliyey sida weyn ee ay u soo dhoweeyeen isagoo sheegay in taasi ka tarjumeyso sida dadka reer Qardho ay u jecel yihiin Soomaalinimada iyo midnimada dalka.

“Waxaan mahad ballaaran u celinayaa dad weynaha sharafta badan ee reer Qardho ee ka kooban dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada ee maanta sida weyn halkan noogu soo dhoweeyey. Runtii soo dhoweyntan waxay muujinaysaa midnimo iyo sida aad u jeceshihiin in la adkeeyo wadajirkeena. Booqashadan ma noqoneyso tii ugu danbaysay ee marar badan ayeynu isu soo noqon doonaa”.

Soo dhaweyn kadib Ra’isul wasaaraha dalka ayaa waxa uu halkaasi kulan muhiim ah kula qaatay Salaadiin, Siyaasiyiin iyo Xubno ka tirsanaa Maamulka Degmada oo uu kala hadlaayay arrimo dhowr ah.

Ujeedka socdaalka Ra’isul wasaaraha ayaa ah mid uu Salaadiinka kala hadlaayo sidii ay uga shaqeyn lahaayen xoojinta xiriirka DF Somalia iyo Maamulka Puntland.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15