Cumar C/rashiid Sharmaarke: Waa lama taabtaan xaduudaha iyo jiritaanka maamulka PUNTLAND

Qardho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha DF Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa sheegay inay lama taabtaan tahay wax uu ugu yeeray xaduudaha iyo jiritaanka Puntland, hadalkan ayuu ka sheegay munaasibadii salaada ciida ee shalay ka dhacday magaalada Garoowe.

“Dal iyo qaran ayaa dhisaynaa, dal iyo qarankaasi la dhisaayana ma ahan in qolo ay dhibaato kasoo gaarto, waxaan rabaa inaan idin cadeeyo Puntland xudeedaheeda iyo jiritaankeeda waa lama taabtaan, waana jiraysaa insha allaah, iyadaana ahayd runtii hooyaddii Federaalka Soomaaliya, waxaan lee yahay Soomaali waxaa loo baahan yahay inay is-cafiso” ayuu yiri Sharmaarke

Sharmarke ayaa sidoo kale shacabka Puntland ka codsaday inay adkaystaan ammaankooda, lana shaqeeyaan mamulkooda si horumarka hada jiraa usii xoogaysto.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com