FADEEXAD: Maxaabiis uu cafiyay Xasan Sheekh oo weli u xiran shaqsiyaad ka doonaya laaluush

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Cafis u fidiyay Maxaabiis u badan Dhallinyaro kuna xirnaa Xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Maxaabiista Xabsiga dhexe ee Xamar ee Cafiska loo fidiyay ayaa waxa ay tiradoodu gaareysaa 79 Dhallinyaro ah kuwaas oo dambiyo fud fudu ugu xirnaa Xabsigaasi.

Warar hoose ayaa sheegaya in weli ay Maxaabiistaasi ku xiran yihiin Xabsiga oo aan Cafiska Madaxweynaha lagu sii deyn.

Nuur Suleymaan oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Asluubta ayaa sheegay in weli maxaabiista ay u xiran yihiin shaqsiyaad gaar ah islamarkaana la baal-maray Cafiska uu u fidiyay Madaxweyne Xassan Sheekh.

Maxaabiista la cafiyay ee weli xiran ayaa lagu soo waramayaa inay u xiran yihiin shaqsiyaad gaar ah, oo ka tirsan dowladda kuwaas oo laaluush ka doonaya.

Inta badan Xabsiyada Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku xiran kumanaan maxaabiis ah oo aan weli lasoo taagin Maxkamada, waxa ayna badi yihiin kuwo u xiran shaqsiyaad gaar ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com