CADCEEDDU WAXA AY KU SUJUUDDAA CARSHIGA HOOSTIISA (Mucjisada Alle)

Waxaan maalma aan fogeyn aan aqriyey maqaal uu qorey nin Carbeed oo Mulxid ah, oo diiddan xaqiiqada xaddiiska nebiga (NNKH) uu tilmaamaya ee ah in cadceeddu ay ku sujuudda Carshiga hoostiisa.

Maqaalkaasi wuxuu ninkaa kusoo qaatay inuu ka manaaqashooda xaddiiska nebiga (NNKH), ee ahaa markuu ku yiri Abuu Dar

”Ma garanaysaa Abuu Darroow!! halka ay Cadceeddu aaddo”? Wuxuu yiri ”Allaah iyo Rasuulkiisa ayaa u ogaal badan”. Wuxuu yiri ”Way dhaqaaqeysaa, jeer ay ku sujuudda Carshiga hoostiisa. Taasuna waa

قوله تعالى: (وَالشَّمْسُ تَجْرِي لِمُسْتَقَرٍّ لَهَا ذَلِكَ تَقْدِيرُ الْعَزِيزِ الْعَلِيمِ)
[يس: 38]،

Macnaha aayadda (”Cadceedduna waxay ku oraddaa sugnaanteeda (jid toosan), taasuna waa qadaridda Eebbaha cisiga badan ee cilmiga badan”).

Waxaa soo weriyay Al Bukhaari.

Wuxuu leeyahay, xaddiiskaasi wuxuu ka hor imanayaa xaqiiqada cilmiyeed ee immika laga ogaaday koonka. Waayo waxaanu ognahay in meerayaasha BAHDA AY CADCEEDDU mideysay ay ku wada wareegtaan cadceedda, Cadceedduna ay tahay ta iyada lagu wareegto.

Arrintaasi baa igu qasabtay inaan qormadani baxthiya oo aan soo badhiga sida ugu wanaagsan ee Mulxidiinta noocaasi ah looga raddin karo shubhada mowduucaas.

Ugu horreyn waxaynu ognahay amaba inoo muuqdo in aayadda uu nebigu (NNKH), xadiiskiisa usoo daliishaday ay ku dhammaato labo magac oo kamid ah magacyada Ilaahay (Al Caziiz iyo Al Caliim). Taasuna waxay inoo caddeyneysaa labadii shey ee lagu ogaan kari lahaa cilmiga arrinkaas oo kala ah awood iyo cilmi in Allaha u saaxiibka ah labadaasi aaladood uu inooga qisooday arrinkaasi.

Ee taa ka dib, xaggee baad ka dooneysaan cilmi iyo aqoon?

Xaddiiska nebiga (NNKH) ee tilmaamaya inay dhaqaaqdo Cadceedda ayna sujuudda, wuxuu inoo caddeynayaa labo xaqiiqa oo mud-hil ah.

Xaqiiqada koowaad, waxay tahay in cadceeddu ay dhaqaaqdo, taasina culimada falak-ga ayaa qiray, marka ay yiraahdeen in Cadceedda iyo Bahdeeda (BAHDA AY CADCEEDDU MIDEYSAY) ay ku wareegtaan Mujarradka (Galaxy) ay ka tirsan yahiin ee loo yaqaan Diilinta Gureey, eng; MilkWay , arabic; Mujarrat Darb Addabana. Waxay Cadceeddu ku qaadanaysaa halmar inay kusoo wareegato buqcada dhexe ee Diilinta Gurey 250 million oo sano. Galaxyga Diilinta Gurey oo aanan ahayn midda ugu weyn ee kamidka ah malaayiinta Galaxy ee koonkan ayaa waxay kulmisaa 200 000 000 oo xiddig. Subxana-Allaah!!

Halkaasi, waxaanu u jeednaa in socodka Cadceedda ee xaddiiska iyo aayaddu ay tilmaameen aanu cilmiga ka hor imanayn. Waayo Ilaaha awoodda iyo cilmiga (Al Caziiz iyo Al Caliim) badan ayaa 1400 sano kahor uga qisooday nebigiisa. Waxaynu markaa kadib ogsoonahay in Carshiga Ilaahay uu ka sarreeyo toddobada samo. Sama walubana waxay hoos tagtaa oo ku dahaaran dusheeda samada ka sarreysa. Samada ugu hooseysa waxay ku dul wareegsan tahay koonka oo idil. Koonka oo idil iyo samooyinkana waxaa ku dahaaran Carshiga oo oo Carshiga baa dhan waliba ka jira oo ku dahaaran. Waxaanuna ognahay in wax waluba ay Ilaahay u sujuudaan. Cadceedduna ay Ilaahay u sujuuddaa.

Xaddiiska nebiga wuxuu tilmaamayaa in cadceeddu inta ay socotaba ay mar u sujuudeysa Ilaahay, kadib ay haddana mar kale kusoconeysa idinka Allah. Carshiga bay ku hoos sujuudi, waayo Carshiga koonka oo idil baa ku hoos jira oo u sujuuda. Cadceedduna koonka ayay kamid tahay.

والله تعالى يقول: (أَلَمْ تَرَ أَنَّ اللَّهَ يَسْجُدُ لَهُ مَنْ فِي السَّمَاوَاتِ وَمَنْ فِي الْأَرْضِ وَالشَّمْسُ وَالْقَمَرُ وَالنُّجُومُ وَالْجِبَالُ وَالشَّجَرُ وَالدَّوَابُّ وَكَثِيرٌ مِنَ النَّاسِ وَكَثِيرٌ حَقَّ عَلَيْهِ الْعَذَابُ وَمَنْ يُهِنِ اللَّهُ فَمَا لَهُ مِنْ مُكْرِمٍ إِنَّ اللَّهَ يَفْعَلُ مَا يَشَاءُ)
[الحج: 18].

Xaqiiqada labaad waxay tahay iyana arrin uu cilmiga casriga ka marag kacay. Taasoo ah in aakhirkii ay Cadceeddu marxalada badan oo ay mari doonta kadib ay ku sujuudi doonto halka ay ku dhammaan doonto aayaheeda. Taasuna waa gheybka la ina amray inaan rumeyno, amaba aynu nahay kuwa rumeeyo gheybka maqan. Waana sida kamid ah sifooyinka Mu’miniinta.

(الَّذِينَ يُؤْمِنُونَ بِالْغَيْبِ)

Waxaanuna dhahaynaa intaa dabadeed

(كُلٌّ مِنْ عِنْدِ رَبِّنَا)
[آل عمران: 7]

(رَبَّنَا لَا تُزِغْ قُلُوبَنَا بَعْدَ إِذْ هَدَيْتَنَا وَهَبْ لَنَا مِنْ لَدُنْكَ رَحْمَةً إِنَّكَ أَنْتَ الْوَهَّابُ)
[آل عمران: 8].

WD: Mohammed Tahir Abdi
Email: mohamed1@live.fi
________________________________________________________________
Afeef: Qormadani waxay gaar u tahay qoraha iyo webka caasimada.net