Dhageyso: C/Weli Gaas oo ku hanjabay in PUNTLAND ay gooni u goosaneyso

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa sheegay in Puntland mowqif adag ka qaadatay arrimaha Federaalka iyo Dowladda Dhexe ee Somalia, islamarkaana aysan yeeli doonin in lagu xad gudbo.

Gaas, ayaa sidoo kale xaqiijiyey xogtii ay dhowr maalmood baahisay Caasimada Online ay ku saabsaneyd in lagu qanciyey in sida ay wax u mooday Puntlanad aysan ahayn, marka laga hadlayo maamulka gobollada dhexe.

Waxa uu Gaas farta ku fiiqay wada hadalo ay beesha caalamka iyo siyaasiyiin wadaan ay socdaan.

C/weli Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay Boosaaso ayaa sheegay in haddii wada hadaladaasi ay beesha caalamka ku dooneyso in la isku soo dhoweeyo Puntland iyo Dowladda Dhexe uu meel gaari waayo in Puntland ay qaadi doonto tallaabo cod oo go’aankeedu meel yaal isla markaana gorgortan ka geli doonin midnimada iyo jiritaanka PL.

C/weli Gaas ayaa soo hadal qaaday dhismaha maamulka Gobolada Dhexe oo Mudug qeyb ka tahay, taasoo uu sheegay in aysan u cuntami doonin Puntland, gorgortan iyo wada hadalna ka geli doonin arrimahaasi.

Halkan ka dhageyso hadalka Cabdi Weli Gaas

Caasimada Online

Xafiiska Boosaaso

Caasimada@live.com