Caddeymo: 6 shirkadood, DF iyo GANACSATO isku haya dekedda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Laga soo billaabo sanadkii 2014, dekedda Muqdisho waxaa ka taagan muran iyo is faham xumo u dhexeysa dhinacyada kala ah Wasaaradda gaadiidka, Dekdedda, ganacsatada wax ka dhoofisata kana soo degsata dekadda iyo gaadiidleyda suuqyada u daabusha Badeecadada kasoo degta Dekedda Xamar.

Sababta ugu weyn ee keentay murankan iyo wadashaqeyn xumida waxa ay ahayd markii xukuumaddii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay kala dirtay ama ay baabi’isay Iskaashatii dekedda Muqdisho iyada oo lagu eedeeyey in Iskaashatadu ay muddo dheer ka shaqeyneysay dekedda, sidaas awgeedna ay tahay in la sameeyo shirkado gaar loo leeyahay oo qabta shaqada maamulka gaadiidka dekedda kashaqeynaya dekedda ee daabulaya qalabka iyo badeecadada kala duwan ee ka soo degta ama ka dhoofta dekedda, balse sameyntii shirkadihaas lama marsiin nidaamka tartanka furan, taas beddelkeedana waxaa sameynta shirkadahaas kawada shaqeeyey wasaaradda gaadiidka iyo shirkado ganacsi kuwaas oo 4 shirkadood markii koowaad si aan tartan iyo nidaam ahayn kusiiyey howsha gaadiid gelinta dekedda Muqdisho.

Kaddib 2016 markii ay xilka timid xukuumadda Nabad & Nolol waxa ay wasaaradda gaadiidku iskudayday in ay wax kabeddesho qaabdhismeedka shirkadaha gaadiidka geliya dekedda, balse waxa ay wasaaraddu qaadday tallaabo uga sii dartay xaalka oo ay sababtay muran iyo khilaaf hor leh.

Shirkadaha gaadiidka gelinaya dekedda ayay wasaaradda gaadiidku gaarsiisay 60 shirkadood oo mid walba ay adeegsanaysay dhaqaale si loogu daro Liiska shirkadaha, hayeeshee taasi waxa ay uga sii dartay xaalka, mar dambe ayay wasaaradda ku laabatay dib u habeynta shirkadaha, waxa ayna soosartay 6 shirkadood oo keli ah kuwaas oo aan tartan ku iman qandaraaska.

Xilligii iskashadata gaadiidku waxa uu dekedda ku geli jiray lacag u dhexeysa Shsom 100.000 oo u dhiganta  $4-7, balse waxa ay gaartay Shsom 3,300.000 (Saddex milyan iyo sadex boqol oo kun oo u dhiganta $150, waxa jirta lacag ay ogtahay xukuumadda Soomaaliya in laga qaado gaadiidka gelaya dekedda Muqdisoho oo gaareysa $70.00, taas oo lagu sheegay in loogu talagalay dhismaha Waddooynka, hayeeshee Wasaaradda gaadiidka iyo shirkadaga gaarka looleeyahay ee maamula gaadiidka gelaya dekedda ayaa qaatay go’aan ah in lacagtaas lagu daro $80, taas oo wadarta lacagta kadhigtay $150.

Cali Gacal Gaabow agaasimaha wasaaradda gaadiidka iyo Duulista hawada ayaa sheegay in dadka ka cabanaya dekedda Muqdisho iyo Wasaaradda gaadiidku aysan ahayn gaadiidley balse ay yihiin Dallaal gaadiid oo doonaya in ay sidaas kushaqeystaan.

Balse Dadka uu agaasimuhu ku sheegay dallaalka waxa ay dhankooda sheegayaan in gaadiidkooda lagu horayo bannaanka dekedda maaddaama aanay bixin karin lacagta laga doonayo si ay uga xamaashaan dekedda Muqdisho, taas beddelkeediina ay doorteen in ay cabasho u gudbiyaan hay’adaha kale ee dowladda, waxa ay agaasimaha Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ku eedeeyee in uu ku milmay shirkadaha gaarka loo leeyahay ee kashaqeeya gaadiidka dekedda Muqdisho.

Madax katirsan shirkadaha ayaa sheegay in sababta lacagtaas loo qaado ay tahay in shirkaduhu u baahan yihiin dhaqaale ay ku shaqeeyaan oo ay kuwadaan howlahooda.

Shiradaha gaarka loo leeyahay ee ka shaqeysta gelinta gaadiidka dekedda Muqdisho ayaa haysta awoodda ogolaanshaha iyo diidmada gaadiidka gelaya dekedda si uu uga qaybqaato daabulidda badeecada, shirkadahan ayaa awoodaas u adeegsada si keli ah oo aan cid kale kulugyeelan karin sidaas awgeed waxa ay xiriir iyo saaxiibtimo ku dhisan dhaqaale la yeesheen dhammaan madaxda iyo hay’adaha saameyn iyo go’aan ku yeelan kara wax ka beddelidda habkooda shaqada sida wasaaradda gaadiidka, maamulka dekedda Muqdisho, hay’adaha nabadgelyada iyo xitaa ganacsatada qaarkood.

Waxa ay shirkadahani kusoo rogeen gaadiidleyda dekedda ka daabusha badeecada iyo qalabkaba xeerar adag oo ay sameysteen, sida in gaadiidkii raba in uu galo dekedda in uu bixiyo dabaaji lacageed oo u dhexeeya $1,000-$2,000 oo Dollar, sidaas oo kale waxa ay gaari kasta kaqaadaan maalinkii marka uu gelayo dekedda lacag kaladuwan oo u dhexeysa $140-165, taas oo ay shirkad walba oo kamid ah shirkadahan ay si iskeed ah uga qaaddo gaadiidka gelaya dekedda Muqdisho, arrinta cajiibka ah ayaa ah in gaadiidka ay kaqaadaan lacagta u dhexeysa $140-$165 ay xaashida lacag qabashada (Receipt) ugu qoraan oo keli ah $10 (toban Dollar), Warqadahaas lacag qabashadu waa kuwo ay iyagu sameysteen oo aan marin xisaabta dowladda.

Magacyada shirkadaha iyo lacagta ay ka qaadaan gaadiidka dekedda Muqdisho

6da Shirkadood ee gaadiidka gelisa dekedda Muqdisho waxa ay qaadaan lacag kala duwan oo aan isla ekeyn, waxaana lacagtaas lagu diraa taleefoonka gacanta, taas oo lagayaabo in ay tahay maamul xumo kale oo maaliyadeed.

Sida loo wadaago lacagta

Marka laga reebo lacagta waddooyinka loo qoondeeyey oo ay qudheeda ganacsatadu ku muransan yihiin ayna suuragal tahay in bixinteedu istaagto ayaa haddana lacagta dheeriga ah ee ay wasaaradda gaadiidka iyo shirakduhu kudareen gaadiidka gelaya dekedda Muqdisho waxa jira hab lo wadaago oo si maalinle ah loogu qaybsado lacagtaas, madax katirsan Shirkdaha qaarkood ayaa sheegay saxnaanta habkan.

Sida loo wadaago Gaadiidka  

6da Shirkadood ee kashaqeeya gaadiid gelinta dekedda Muqdisho ayaa qaybsaday ama wadaaga oo keensada gaadiidka gelaya dekedda Muqdisho sidaas awgeed gaadiid kale ee aan xiriir iyo saaxiibtinimo lalahayn shirkadaha ama aan iska bixin karin lacagta lagu gelayo dekedda ma shaqeynsan karo, taasina waa sababta ay gaadiidleyda qaarkood uga  cabanayaan muddo dheer Wasaarada gaadiidka, Maamulka dekedda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee maamula gaadiidka geleya dekedda Muqdisho.

Radio Mustaqbal