Caddeyn: Caasimada Online oo heshay wada-sheekeysi taleefon oo xasaasi oo dhex maray Xasan Sheekh iyo xildhibaano

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Madaxweynahihii Waqtigiisa dhamaaday Xasan Shiikh Maxamuud ayaa bilaabay olole ku aadan wasiirada cusub ee uu soo magacaabay Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, sida ku cad xog taleefon oo ay Caasimada Online heshay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa siyaasiyiinta dhexdooda ka billaabay olole uu ku taageerayo wasiirada cusub ee Soomaaliya, wuxuuna siyaasiyiinta kula dardaarmay inaysan mucaaradin oo ay joojiyaan ololaha looga soo horjeedo wasiirada, kadib markii uu kula sheekeystay Whatsapp.

Sawiro laga qaaday wada-sheekeysigan oo dhab ah ayaa waxaa Caasimada Online soo gaarsiiyey xildhibaano ku jiray kooxda wada-sheekeysiga uu la yeeshay madaxweynaha, waxaana kadib ka xaqiijinay ku dhowaad 10 xildhibaan oo Caasimada Online u xaqiijiyey in wada-sheekeysigan uu dhacay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyey wadaninimo isagoo xusay inaysan hadda Soomaaliya joogin xaalad la is mucaarado wasiiro lasoo magacaabayna la diido maadaama ay dalka ka jirto Abaaro iyo duruuf Bini’aadanimo.

Wuxuu sheegay in dowladda cusub ay horyaalaan shaqooyin badan loogana fadhiyo sidii ay dalka uga gudbin laheyd xaaladda adag oo uu ku jiro, ayna lagama maarmaan tahay in si deg deg ah loo ansixiyo wasiirada cusub.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa hadda ku sugan dalka Turkiga oo uu u tagay arrimo nasasho iyo sidii uu ula midoobi lahaa qoyskiisa oo halkaas ku sugan, wuxuuna hadaladaan kusoo qoray Group-ka uu ku leeyahay Whatsup-ka oo uu isaga ka yahay Admin.

Kooxda uu Xasan la hadlay ayaa waxaa ku jira siyaasiyiin badan oo ay ku jiraan Wasiiro lasoo shaqeeyey iyo kuwa hadda ka tirsan Xuukumadda la magacaabay, xataa waxaa groupkaas ku jiro Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Xasan ayaana hadalkaas soo dhigay qoraal aad qiiro u leh oo uu ku muujinayey inuusan dalka hadda u baahneyn fowdo iyo Khilaafna ayna qasab tahay in si deg deg ah dhibaatada abaaraha looga saaro, taasna wuxuu sheegay in lagu gaari karo taageerida xukuumadda cusub ee uu soo magacaabay Xasan Cali Kheyre.

Haddaba waxaan halkaan hoose idinkugu soo gudbineynaa caddeeymo muujinayo sida uu Xasan Shiikh u jecel yahay in umadda la badbaadiyo oo aan lagu mashquulin mucaaradnimo, waxayna caasimadda heshay sawiro laga soo qaaday Group-ka uu madaxweynaha admin-ka ama maamulaha ka yahay oo ay ku midoobeyn Siyaasiyiin badan, waxaana xusid mudan in Sidoo kale Faarax Cabdulqaadir uu halkaas kusoo qoray ereyo qiiro leh oo muujinayo inaysan Soomaaliya hadda u baahneyn Khilaaf.

FG: Waxaan qarinay taleefon lambarada xildhibaanada, si aan u dhowro xuquuqdooda ah in xogtooda gaarka ah iyo taleefonadooda aan bulshada la tusin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com