Nairobi (Caasimada Online) – Ciyaatowda xulka qaranka 11 sano jirada ee Soomaaliya oo dalka Qatar ugu qeybgalay tartanka kubadda cagta ee dugsiyada wadamada Jaamacadda Carabta oo maanta ku laabtay dalka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Nairobi aay kala kulmeen naxariis darro.
Carruurtan oo aay keentay diyaaradda Qatar Airways 8:00 Subaxnimo ee shalay Arbaco febraayo 17. Macallinkii kooxda iyo masuuliyiin kale oo la socotay carruurta ayaa waxaa aay waceen Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jamaal Xasan. Safiirka ayaa ku gacan seyray in carruurta laga kaxeeyo madaarka oo la seexiyo hotel.
Masuuliyiinta iyo macallinka waday ardaydan ayaa u sheegay safiirka in xataa aanan laga rabin wax qarash ah oo aay iyaga iska bixinayaan qarashkooda hotelka. Intaa kaddib ayuu safiirka telefonka ka xirtay.
Indha adeegnimada safiirka ayaa waxaa uu saakay abaarihii 7:00 subaxnimo uu ugu yimid carruurtii xalay seexatay darbiga madaarka Nairobi si uu sawiro isaga qaado sidii in uu isaga soo dhaweeyay.
Tani waxa aay ka mid tahay ayaan darrada lagala kulmay xukuumadda Xasan Sheekh iyo ka fiirsasho la’aanta uu dibloomaasiyiin ugu magacaabayo dad aan rabin in aay wax u qabtaan Soomaalida aay matalaan.
[su_audio url=”http://hagenews.com/wp-content/uploads/2016/02/WAR-CEYDIID-.mp3?_=1″]
Caasmida Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]