29.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Xog: DFS oo wada qorshe lagu hakinayo musuqa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumada Somalia ayaa wada qorsho lagu hirgalinaayo gudi bad-baado hanti qaran oo ka hortaga Musuq-maasuqa lagu eedeeyo qaar kamid ah Mas’uuliyiinta DF.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Somalia Ismaaciil Jimcaale, ayaa sheegay in wasaaradu ay soo gaarayaan codsiyo badan oo lagu dalbanaayo in ka hortag lagu sameeyo Musuqa kusii baahayo Somalia.

Ismaaciil Jimcaale, waxa uu sheegay in Wasaaradu ay dhiseyso guddiga ka hortaga Musuq-maasuqa oo uu sheegay inay la dagaalami doonaan Musuqa, waxa uuna dhanka kale sheegay inay jiraan shaqsiyaad caado ka dhigtay Musuqa oo ka tirsan Dowlada kuwaasi oo loo baahan yahay in dhibtooda la hakiyo.

Waxa uu tilmaamay in Wasaaradu ay heyso cadeymo muujinaaya in Hay’adaha Dowlada qaarkood ay ku kacaan fal Musuq-maasuq ah, waxa uuna Tilmaamay in Wasaaradu ay ku howlan tahay uruurinta magacyada shaqsiyaadkaasi, si baaritaan loogu sameeyo dhaqaalaha ku jira akoonadooda.

Sidoo kale, Ismaaciil Jimcaale waxa uu qeexay in guddigaan la dhisaayo laga soo xuli doono dad khibrad u leh baaritaanka Musuq-maasuqa kuwaasi oo bilowga shaqadoodo ay noqon doonto xuuraaminta Hay’adaha Dowlada ee iminka la hayo Liiskooda.

Haddalka Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Cadaaladda waxa uu kusoo beegmayaa iyadoo dhammaan Xarumaha Dowlada Somalia ay ka jirto Musuq lagu hayo hantida Qaranka iyo Mushaaraadka shaqaalaha Dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News