25.7 C
Mogadishu
Thursday, June 19, 2025

Caddeyn: Itoobiya oo u dirtay Somaliland warqad su’aalo badan dhalisay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa ugu hambalyeysay Somaliland 26-guuradii ka soo wareegatay, markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, ayna tahay Jamhuuriyad madax banaan.

Gen. Berha Tesfaye oo ah qunsulka guud ee u fadhiyo Itoobiya Magaalada Hargeysa ayaa soo saaray waraaq uu hambalyo ugu dirayp shacabka iyo  Maamulka Somaliland, wuxuuna ugu hambalyeeyey  maalinta ay u asteeyeen Qaranimada ee 18-ka May, sida uu isaga hadalka u dhigay/

“Waxaa jecelahay inaan si diiran ugu hambalyeeyo shacabka iyo dowladda Somaliland, maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May”ayaa lagu yiri warqada uu Qunsulka Guud ee Itoobiya u fadhiya Itoobiya oo ah Generaal Ciidan.

Midda lala yaabay ayaa aheyd marki waraaqda lagu dhex qoray hadal dardaaran u muuqday oo ahaa in la xoojiyo xiriirka labada dowladood (Somaliland iyo Itoobiya) midaasna waxay caddeyn rasmi ah u tahay In Itoobiya ay aqoonsatay Somaliland.

Waraaqdaan ayaa si cad u muujineyso inay Itoobiya wax kama jiraan kasoo qaaday heshiiskii ay la galeen Madaxweyne Farmaajo oo ahaa inaysan faragelin doonin madax banaanida iyo qaranimada Soomaaliya.

Waraaqdaan ayaa kusoo aaday xilli  ay Itoobiya siisay  dhisme ay degto xafiiska howl galka diblomaasiyadda Somaliland ee Addis Ababa, waxaana xafiiskan uu u howl galayaa qaab safaarad oo kale, waxaana arrintan lala xiriiriyay inay jawaab u tahay saamiga Itoobiya laga siiyay Dekeda Berbera ee ah 19%.

Lama ogo jawaabta ay dowladda Soomaaliya ka bixin doonto falalka ay ku dhaqaaqday Itoobiya oo ay kusoo faragelisay madax banaanida iyo qaranimada Soomaaliya, waxaana markii horeba la saadaalinayey inaysan Itoobiya fullin doonin heshiiska ay la gashay Soomaaliya.

Halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxay safaaradda Itoobiya

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

- Advertisement -

Read more

Local News