CADDEYN: Mushaar la’aanta ciidamada oo xiisad dagaal abuurtay

Garoowe (Caasimada Online) – Saraakiisha ugu saraysa ciidanka difaaca Puntland ayaa warqado Dacwad ah ka gudbiyay Wasiirka Maaliyadda Puntland oo la sheegay inuu u kala eexday Ciidamada Puntland.

Dacwadaani ayaa waxaa si wada jir ah u gudbiyay Taliye ku-xigeenka guud ee ciidanka Daraawiishta Puntland General Dayr Xaaji Cabdi, Taliyaha ururka taliska Gaashaanle sarre Maxamed Ducaale Maxamuud ”Ayax” iyo Afhayeenka Ciidanka Daraawiishta Gaashaanle sarre Maxamuud Maxamed Axmed ”Gubadle”.

Taliye ku-xigeenka guud ee ciidanka Daraawiishta Puntland General Dayr Xaaji Cabdi, ayaa sheegay in Wasiirka Maaliyada maamulka uu ka beensheegay xuquuqda Ciidamada waxa uuna tilmaamay in xuquuqda ugu badan ay tahay mid ka maqan Ciidamada daraawiishta.

General Dayr, ayaa sheegay in marka laga soo tago Ciidamada daraawiishta, ay si gaara u xuquuq la’ yihiin ciidamada ku kala sugan Nugaal, Sool iyo Cayn, wuxuuna tilmaamay inaysan mushahaar qaadan 30 bilood.

General Dayr, waxa uu sidoo kale Dacwada ku xusay in ciidamada ku kala sugan Nugaal, Sool iyo Cayn ay intaa u dheertahay inaysan helin Adeeg iyo Raashin 32 bilood.

General Dayr ayaa ka dalbaday Baarlamanka , Hay,adda Xuquuqul Iinsaanka, iyo Gollaha Garsoorka inay soo kala saaraan Xukuumadda oo uu sheegay inay ku fashilantay bixinta mushahaarka iyo xuquuqda ciidanka.