Turkiga oo noqday wadankii ugu horeeyay ee dhaqaale ku tabaruca Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo lasoo dhigay barta  twitter-ka ee safaaradda Turkiga Muqdisho ayaa lagu sheegay in xukuumadda Ankara ay dowladda cusub ee Soomaaliya ugu deeqday malaayiin dollar oo ay u kaashaneyso miisaaniyada dhaqaale iyo mushaarka shaqaalaha.

Lacagta ay dowladda Turkiga ugu deeqday dowladda cusub ayaa dhan Lix milyan oo dollar, una adeegsan doonto kabka miisaaniyadda.

Qoraalka safaaradda ayaa lagu sheegay in taageerada ay siiyaan Somalia ay tahay mid dhiiri gelineysa horumarka ay dowladda dooneyso iyo inay horay u socoto.

Dowladda Turkiga ayaa qeyb ka bixin jirtay miisaaniyada dowladda federaalka, taasoo ay usia dheer tahay kaalmada shacabka ee dhinaca gargaarka iyo bini’aadanimada.

Turkiga sidoo kale waa dowladda kaliya ee mashaariic la taaban karo ka fulisa dalka Soomaaliya, ayada oo inta badan dowladaha reer galbeedka ay yihiin kuwa af un ku taageera Soomaaliya, oo wax la taaban karo aan qaban.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.co