Arrintii keentay inay Itoobiya taageerto Xasan Sheekh oo soo shaac baxday iyo sir ay laheyd Masar oo fakatay!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxay dowladda Itoobiya ka dhawaajiyey inay taageersan tahay madaxweynihii waqtigiisu dhamaaday Xasan Shiikh Maxamuud iyadoo dadaal badan ku bixisay sidii uu mar kale dib ugu soo laaban lahaa xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Arrintaas ay damacsaneyd Itoobiya ayaa kusoo dhamaatay guuldaro markii xildhibaanada dhallinyarada ah ee ku jiro baarlamaanka ay go’aansadeyn inuu dalka ka dhaco isbadal muuqdo.

Haddaba xog ay heshay Caasimadda Online ayaa muujineyso sababtii ka dambeysay inay itoobiya si kal iyo laab ah u taageeraan Xasan Shiikh Maxamuud oo xiriir fiican la lahaa Itoobiya.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa wuxuu kulan qaas ah la yeeshay madax ka socotay dowladda Masar waxaana kulankaas Xasan Shiikh Maxamuud loogu sheegay sir ku saabsan in dowladda Masar ay dabada ka riixeyso xiisadda dagaal ee u dhaxeyso Itoobiya iyo oromada.

Masar ayaa Xasan si hoose uga codsatay inuu ku garab istaago dagaalkaas si meesha looga saaro maamulka hadda ka taliyo Itoobiya sidoo kalana uu wadanka galo xaalad siyaasadeed oo qasan.

Xasan ayaa xubnahaas u ballan qaaday inuu la garab istaagi doono balse waxaa dhacday mid taas ka duwan kadib markii uu banaanka usoo dhigay wixii sir ahaa ee lagu qarsaday.

Xasan Shiikh Maxamuud oo tagay Adis Ababa lana kulmay Ra’isulwasaaraha Itoobiya ayaa kashifay sirtii lala wadaagay wuxuuna Itoobiya u sheegay inay Masar qiyaanadaas la damacsan tahay.

Wixii markaas ka dambeeyey waxaa xumaaday xiriirka dowladaha Masar iyo Itoobiya sidoo kalana waxaa Xasan Shikh Maxamuud ka aamin baxday dowladda Masar, taas badalkeeda wuxuu kalsooni buuxda ka helay  Hailemariam Desalegn

Tan iyo markaas Ra’isulwasaaraha Itoobiya ayaa kalsooni u qaaday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud waxaana loo ballan qaaday inay Itoobiya ka caawin doonto sidii uu mar kale u noqon lahaa madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Shiikh ayaa ugu dambeyntii waayey kalsooniada Baarlamaanka Soomaaliya waxayna si cad hortiisa ugu doorteen Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com