Hal arrin oo lugu xamanayey Kheyre iyo Farmaajo oo meesha ka baxday iyo wasiirada oo…

Muqdisho (Caasimada Online)-  Waxaa la filayaa inuu Ra’isulwasaaraha Soomaaliy Xasan Cali Kheyre soo gabagabeeyo caawa wadatashadiyada uu kula jiro  beelaha kala duwan ee Soomaaliyeed si uu ugu qanciyo wasiirada uu soo magacaabo doono.

Haddaba waxaa si rasmi ah meesha uga baxday hal arrin oo lagu xamanayey Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre kaasoo dhawaan helay aqlabiyadda ugu badan ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa markii hore jireen hadal heyn ku aadan in liisaska Golaha Wasiirada ay yihiin kuwo diyaarsan, ayna suura gal tahay in waqtiyada soo socda lagu dhawaaqo balse hadda waxaa muuqato inaysan jirin wax horey loo diyaariyey ama qorshe ay madaxweynaha iyo Ra’isulwasaarha damacsan yihiin.

Arrintana ayaa waxaa ka muuqato inuu hadda Ra’isulwasaaraha raadinayo shaqsiyaadka ku haboon wasiirada taasina waxay meesha ka saartay inay jiraan shaqsiyaad xiriir dhaw la leh madaxwyenaha iyo Ra’isulwasaaraha oo qaadan doono wasiirada ugu muhiimsan.

Haddii wasiirada ay yihiin kuwa diyaar oo aan beelaha lagala tashaneyn waxaa dhici laheyd in mar hore lagu dhawaaqo wasiirada balse wuxuu Ra’isulwasaaraha waqti badan ku bixinayaa sidii uu beelaha soomaaliyeed ugala tashan lahaa magacaabista golihiisa wasiirada iyo shaqsiyaadka uu dhigi doono.

Arrintaan ayaa noqotay mid ay ku farxeyn dad badan oo markii hore aaminsanaa inay madaxwyenaha iyo Ra’isulwasaaraha horey u diyaarsadeyn shaqsiyaad ay la rabaan wasiirada.

Ra’isuwlasaaraha ayaa la filayaa inuu asbuuca soo socdo si rasmi ah ugu dhawaaqo golaha wasiirada waxaa xafiiska Xasan Cali Kheyre indhaha ku hayo qeybaha kala duwan ee bulshadada Soomaaliyeed oo ka warsugayo qaabka ay noqon doonaa wasiiradaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com