Caddeyn muujineysa in Xasan uu Farmaajo kaga fiicnaa la falgalka madaxda maamullada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa mar kale dib usoo shaac baxay khilaaf xooggan oo ka dhaxeeyo Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya iyo dowladda Dhexe kadib markii uu heer sare gaaray Khilaafka dowladda Federaalka iyo Dowladda Imaaraadka Carabta.

Madaxweynayaasha Jubbland iyo Puntland oo dhawaan tagay dalka Imaaraadka Carabta isla markaasna kulamo kusoo yeeshay halkaas ayaa ku dhawaaqay inay taageersan yihiin Imaaraadka isla markaasna aysan dowladda dhexe ku taageersaneyn go’aanka ay ka qaatay khilaafka dowladaha Khaliijkta.

Dowladda Soomaaliya ayaa gebi ahaanba wax taageero ah ka heysan Maamul Goboleedyada kuwaas oo iyagana doonayo inay qeyb aan dastuuri aheyn ka yeeshaan awoodda Debadda, waxayna taas keentay inay hakad gasho wadashaqeyntii la doonayey inay yeeshaan dowladda iyo Maamul Goboleedyada.

Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa Maanta  kulan uga furmi doono Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed iyadoo la filayo inay soo saaraan qodobo kasoo horjeedo go’aanada dowladda, maadaama ay ku doodayaan in culeys weyn lagu hayo gaar ahaan Madaxweynaha Jubblanad Axmed Madoobe.

Haddaba marka ay halkaas sheeko mareyso waxaa soo baxeyso inuu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud kaga fiicnaa la falgalka Madaxda Maamul Goboleedyada madaxweynaha hadda talada hayo ee Farmaajo inkastoo aysan dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud culeys kala kulmin dowladaha shisheeye, gaar ahaan Imaaraadka Carabta oo lacag meel ay kala geyso la’.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa gacanta ku hayey laba kamid ah Maamul Goboleedyada oo kala ah Galmudug iyo Hirshabelle taasoo kala dhantaashay awoodda madaxda Maamul Goboleedyada.

Sidoo kale waxay xiriir aan sidaas usii buurneyn la laheyd Maamulada kale ee kala ah Puntland, Jubbalanad iyo Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha hadda talada ah ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaai laa hadda ku guuleysan la’ inuu soo xiro gashto ugu yaraan hal madaxweyne Goboleed taasoo ka caawin laheyd inuu iska yareeyo culeysyada kaga imaanayo maamul Goboleedyada.

Marka si kale loo fiiriyo, Madaxweynihii hore ee Xasan Shiikh Maxamuud ayaa gacanta ku hayey labada Maamul Goboleed oo ay ka taliyaan Beelaha Hawiye ee Galmudug iyo Hirshabelle ee uu isaga ku abtirsado, halka Madaxweyne Farmaajo uu awoodi la’yahay ilaa hadda inuu ugu yaraan la heshiiyo labada maamul oo ay ka taliso Beeshiisa Daarood.

Waxaa muuqato inuu Madaxweyne Farmaajo culeys weyn kala kulmayo Madaxda Maamul Goboleedyada kuwaas oo iyagu doonayo inay dowladda culeys ku saaraan sidii ay u taageeri laheyd Imaaraadka Carabta.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inay dhex dhexaad ka tahay Khilaafka dowladaha Khaliijka, taasoo keentay inay dowladda Imaaraadka Carabta culeys aan caadi aheyn ay dowladda Soomaaliya ku saarto sidii ay kaga laaban laheyd go’aankaas isla markaasna ay xiriirka ugu jari laheyd dalka Qatar.

Khilaafka Dowladda dhexe iyo madaxda Maamul Goboleedyada ayaa dhibaato xoogga leh u yeeshay howlaha dowladda Farmaajo, waxaana muuqato inay awoodeeda dhaafsiin la’dahay Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda Dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com